laahay
inuu xaqsoore yahay waan ogaa, laakiin inuu
Bililiqo-Bililiqo ku gudi doono ma ogayn.
Xilligii xukuumadii Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa
Somalia ka abuurmay koox sharciga ka saraysa, koox
waxay doonto samaysa, koox hantida shacabka iyo
midda qarankaba siday doonto ka yeesha. Kooxdani
inkastoo ay u badnayd beesha uu Madaxweynihii
xiligaasi ka dhashay, hadana waxaa la dhihi karaa
waxay guud ahaan isugu jirtay kooxdii awoodda dalka
waqtigaas haysatay iyo dadkii ku xirnaa. Waqigii
xukuumadii maxamed Siyaad ayaa waxaa Somalia caadi
ka ahayd in shacabka xoolahooda, beerahooda iyo
qaasatan gawaarida dibadaha laga keensado ay si
sharci darro ah ula wareegaan una bililiqaystaan
taageerayaashii xukuumaddii waqtigaas jirtay.
Ma doonayo inaan ku dheeraado dhacdooyinkii
Bililiqada ahaa ee ay madaxdii iyo xukuumadii
Maxamed Siyaad caanka ku ahayd, waxaanse jecelnahay
inaan shacabka xasuuninno meeshii ay raggii
Bililiqadaas masuulka ka ahaa ku danbeeyeen iyo
sidii Ilaahay u amaal mariyey. Waxaana lagu soo
koobi karaa in ay raggii Soomalia 21ka sano waxay
doonaan ka samaynayey ku danbeeyeen qaxooti iyo cayr
iyadoo maalkoodii iyo noloshoodiiba bililiqo iyo
qaxooti ku danbaysay, halkaan waxaa qofkii
waxgaranaya sidii Ilaahay raggaas u amaal mariyey
ugu sugan AAYAAD lagu cimri qaadan karo.
Dhacdada midda kor ku xusan ku xigtay ee indhaha
shacaka Soomaaliyeed soo jiidatay waxay ahayd sidii
Ilaahay amaal kooda u mariyey dagaal oogeyaashii
reer Muqdishu ee ku bahoobay xisbigiii Sharta iyo
Shaydhaanka ee Ashaado la dirirka. Xubnihii ururkaan
ku bahoobay waxay ahaayeen xubno ama rag ku naaxay
Bililiqada hantida shacabka iyo isbaaraysiga
shacabaka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah, iyagana
waxaa Ilaahay mariyey amaalkoodii iyadoo Allaha
Caadilka ahi ku saladay Golihii Maxaakiimta
Soomaaliyeed iyo shacabkii ay 16ka sano dhiigooda
dhuuqayeen. Raggaani waxay maantay ku sugan yihiin
iyo kibirkii iyo dhacii ay shacabka u gaysan jireen
iyadana waxaa ku SUGAN AYAAD loo baahanyahay in laga
tusaale qaato waxaana muuqata in ay meel cidlo ah
maantay ka taagan yihiin maalkii iyo magacii ay
Bililiqaysteen.
Hase yeeshee arrinta ugu weyn ee igu dhalisay inaan
arintan wax ka qoraa waxay ahayd ama tahay kadib
markii aan maqalnay in gurigii CISMAAN CAATO la
Bililiqaytay, markii shacabka Soomaaliyeed
idaacadaha ka dhagaysteen in xooggaga ina Yeey, Cali
Geedi iyo Ethiopia Bililiqeeyeen guriga Cismaan Cali
Caato, isaga qudhiisuna uu idaacadaha ka hadlay
sheegayna in gurigiisa laga bililiqaystay lacag iyo
hanti kale oo badan. Waxaa kaloo Internetyada la soo
galiyey sawirro caddaynaya burburka iyo bililiqada
loo gaystay guriga Cismaan caato.
Nin Jaahil ah ayaa laga sheegay Ilaahay inuu xaq
soore yahay waan ogaa laakiin inuu Dabo, Dabo ku
gudayo u malayn mayn. Waxaa xaqiiq ah in Bililiqada
loo gaystay guriga Cismaan Caato ay ku sugan yihiin
AYAAD iyo arimo qofkii waxgaranayaa ku cimri qaadan
karo iyo in dhacdadani la mid tahay kuwii iyada ka
horeeyey ee aan kor ku soo xusnay. Koleey annagoo
aan cidna magacaabayn waad garan kartaan
dhibaatooyinkii shacabka Soomaaliyeed loo gaystay
iyo meeshii ay ku danbeeyeen raggii dhibaatooyinkaas
ka danbeeyey.
Waxaad moodaa in dhibaatooyinka iyo burburka
Soomaalia ku habsaday aanay ahayn wax iska dhacaya
balse ay yihiin kuwo aad mararka qaarkood ka dhex
arkayso in ay jirridaha u siibayaan koox xadgudubtay
inkastoo ay shacabka aan waxba galabsan dhibaatadu
mar walba u badantahay, hadana Ilaahay waa caadil
wuxuuna shacabka Soomaaliyeed tusiyey arimo badan oo
ay ku cimri qaadan karaan.
Waxaana ka mid ah in Ilaahay shacabka soomaaliyeed
ku guuleeyey xukunkii Golihii Maxaakiimta oo ay wali
ka samri la yihiin wanaagii iyo kala danbayntii
Ilaahay raggii hogaaminayey shacabka soomaaliyeed
ugu soo dhiibay, hase yeeshee laga ceshaday kadib
markii ay Allaah uga mahad naqi waayeen dhibaatada
uu ka fayday, diintoodana difaacan waayeen. Arintaan
qudheeda waxaa laga yaabaa in Ilaahay shacabka
Muslimiinta ah ku imtixaamayo sida qolooyinka
qoraalkani ka hadlayo ee xadgudbayba loo imtixaamay.
Qoraalkeenna waxaan ku soo gunaanadaynaa madaxda
Kooxda Embagathi ma ku waano qaadan doonaan sida
Ilaahay u amaal mariyey kooxihii ka horeeyey ee
shacabka Soomaaliyeed dhibaatada iyo bur burka baday,
mase waxay noqon doonaan kuwo ka indha,la xaqa oo
iyagana aan Ilaahay Aaqiro kaliya la sugin ee
adduunka lagu amaal mariyo?
Jawaabta Ilaahay ayaa garanaya waxaase waqtigaan
shacabka Soomaaliyeed ku sugan yihiin xaaladii ugu
adkayd ee ay taariikhdooda soo maraan. Waxaaban
markaan ka baqaynaa in Ilaahay nagu soo dedejiyo
cinqaab ka wayn kuwii aan horay u soo aragnay, waayo
dunuubta iyo xadgudubyada kooxdan hadda dalka
haysataa waa kuwo aan horay shacabkeennu u arag,
koleeyse naxariista Ilaahay lagama quusto.
Shacabka Soomaaliyeed waa inay dib u jaleecaan
dhacdooyinkii iyo Aayaadkii Ilaahay tusay ilaa iyo
waqtigii ay xornimada qaateen iyo meeshii ay ku
danbeeyeen kooxihii masuulka ka ahaa dhacdooyinkaas.
Waa in aan shacab ahaan ogaanaa in Ilaahay waajibaad
na saaray haddii aan ka soo baxnana uu noo
gargaarayo iyo in Ilaahay kooxda Imbagathi
amaalkooda marinayo sidii uu kooxihii ka horeeyeyba
u mariyey. Qof walba iyo degaan walba waajibka
Ilaahay saaray ayaa laga doonayaa inay gutaan iyagoo
aan cid kale ku halayn go’aanka kama danbaysta ahna
Allaah u daynayaan.