By: Dr. Madina
Sheegow,
Geneva: April,
24, 2007
Waxaa beryahaanba
Warbaahinta ku hadasho afka Somaliyeed iyo
dadweynahaba ka doodayeen Dembiyada Dagaalka
iyo dadka falalkaas geysanaayo, laguna
eedeyn karo dembiyadaas oo maalmahaan dambe
ku soo bateen faalloyinka Wararka ku saabsan
Dagallada ka socda magaalada Muqdisho iyo
Gobollada Somaaliyed qaarkooda.
Inta aanan dhex gelin
duluucda iyo aragtiyada kala duwan ee ku
saabsan Dembiyada Dagaalka ama War Crimes-ka sida ay uga qeexan yihiin afka Ingiriisiga
ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan horta si
sahlan u qexno waxa loola jeedo Demdiyada
Dagaalka.
Dembiyada Dagaalka ama
War Crimes-ka waxaa lagu qeexi karaa iney
yihiin sida soo socota:-" WAA
DEMBIYADA UU QOF AMA KOOXO GALAAN
WAQTIYADA AY SOCDAAN DAGALLADA , KANA
DHACAAN GOOBAHA AMA MEELAHA AY DAGALLADU KA
SOCDAAN AMA KA JIRAAN".
Haddii intaas aan uga
gudubno qeexidda guud ama academical
definition, waxaa iyana xusid mudan in
Dembiyada Dagaalka ay ka soo jeedaan ama ka
soo faracmeen Dembiyada Ciqaabta ah ee
Caadiga ah ama Criminal actions ama regular
crimes oo qof ama Kooxo ay geli karto
Waqtiyada kale oo nabadda , laakin Dembiyada
Dagaalaka sida aan qeexidda ugu caddeyney
waxaa shardi looga dhigey Dagaal inuu jiro ,
ama ka dhaco meel Dagaal ka socda.
WAQTIGA IYO
GOOBTA UU KA DHICI KARO DEMBI DAGAAL:-
1) WAQTI DAGAAL JIRO AMA
DAGAAL SOCDO.
2) MEEL AMA GOOB DAGAAL KA
SOCDO.
QOFKA GELI KARA
DEMBIYADA DAGAALKA ( EEDEYSANAHA AMA
EEDEYSANAYAASHA) :-
Waxaa geli kara
Dembiyada dagaalaka Qof kasta oo Sharciga u
gefi kara , isla markaasna lagu soo oogi
karo Dembi Ciqaabeed soona hor-istaagi kara
Maxkamada sida waafaqsan xeerka ciqaabta
guud , lana xiriira kasmada iyo ka fiyoowida
maskaxda qofka dembiga geysanaayo.
Dembiyada Dagaalka waxaa
loo geli karaa si toosan iyo si dadbanba.
Tusaale ahaan waxaa si toosan u geli karaa
Askarta hubeysan iyo Saraakiishooda oo lagu
caddeeyo iney geysteen dembi dagaal,. Si
dadban waxaa dembiyadaas u geli karaan
Siyaasiyiinta dalka iyo mucaaradkoodaba oo
bixiyey awaamiirta Dagaalka iyagoo u jeeda
in Dagaalaka uu ka dhacaayo goob ay dadka
rayidka ah deggan yihiin , iyo kuwa aan ku
jirin labadaas koox oo laakin ku taakuleeyey
dhaqaale ahaan , ama ku dhiira geliyey inuu
Dagaalaka dhaco .
DHIBANAHA AMA
DHIBANAYAASHA :- Waxaa noqon kara
dhibane dembi dagaal qof kasta ama koox
kasta oo dhibaato loogu geystey goob Dagaal
una geysteen dhinacyada dagallamaaya oo ku
xad gudbey Heshiisyada Caalamaiga ah ee
mamnuucaaya in la galo dembi dagaal.
Dhibanaha ama
dhibanyaashu waa ineysan ka mid ahaynin
kooxaha Dagallamaaya islamarkaasna ay
yeeshaan calaamado lagu garto iney yihiin
ciidan Dagaal ( Waxaa dhib noqon karta in la
qeexo Dembi Dagaal haddii ay dhinacyada
dagallamayaan aysan wadanin astaan lagu
garto, sida daggalada Jabhadeynta iyo kuwa
sokeyahya lagu qeexo ),
NOOCYADA
DEMBIYADA DAGAALKA :-
Dembiyada ku qeexan
Xeerka Ciqaabta badigooda ayaa ka mid noq1on
kara Dembiyada Dagaalka , waxaase si khaas
loo bartilmaansadaa dembiyada " Xasuuqqa loo
geysto dadka rayidka ah, dadka sida gaarka
ah loo bartilmaan looga dhigto si loo
barakiciyo ama laga isir-guuriyo deegaanno
dan gaarka laga leeyahay, diin ay wataan
darteed ama qolo si muuqata loo beegsanaayo"
ayaa ugu badan aalaaba dembiyada Dagaalka
ama War Crimes-ka sida loo yaqaan.
Waxaase dembiyada
dagaalaka ka mid ah Kufsiga , dhaawaca, jir
dilka, bili-liqada iyo sumeynta deegannada
guud ahaan, haddii la caddeeyo iney lahayeen
Ujeeddo salka ku hayso barakicin loo
adeegsanaayo Xasuuq.
AWOODDA DEMBI KU
OGIDDA & QAADISTA DEMBIYADA DAGAALKA :-
Maxkamdda Caalamiga ah
ee Hague iyo Maxkamado kale oo ay u
xil saarato qaadista Qadiyado khaas ah
(Special cases) sida tan
Tanzania ee Aruusha ayaa leh awoodda ku soo
oogista iyo dhegeysiga Dembiyada Dagaalka,
taasoo hawl gasha marka la horgeeyo
Dacwadaha ku saabsan Dembiyada Dagaalka
iyadoo ku shaqeyneysa had iyo jeer
tilmaamaha iyo tusaaloyinka UN-ka iyo
Hay'adaha ku shaqada leh dembiyada Dagaalka.
Sida kiisaskii ugu dambeeyey ee ka dhacey
xasuuqii laga geystey Dalalka Ruwanda,
Bosnia , iyo kuwo kale oo ugu horeysey
Dacwaddii lagu qaadei Naziga Jarmanka ahaa
ee Nuremberg.
SOMLIA MA KA
DHACEY DEMBIYO DAGAAL IYO XASUUQ ?
Shakki kuma jiro in
Somlia ay ka dhaceen Demdiyo Dagaal iyo
Xasuuq loo geystey Shacab aan hubeysneyn ,
waxaan tusaale u soo qaadan karnaa
xasuuqyadii ka dhaceen Gobollada Somaliya
xilliyadii Rejiimkii Kacaanka Hantiwadaagga
ah ka jirey haba sii kala darnaadaanee ,
xasuuqaas oo ay geysteen Madaxdii Rejiimkaas
iyo Ciidamadooda waxaa kuwii ugu weynaa loo
geystey Gobollada Waqooyi Galbeed iyo kuwa
dhexe iyo Koonfureedba.
Waxaase Xasuuq iyo
Barakicin aad u fara badan iyana ka dhaceen
Somalia laga soo bilaabo 1990 ilaa iyo hadda
oo ay geysteen Maleeshiyaadka Gobollada
Dhexe iyo Waqooyi Bari, kuwaas oo lagu bara
kiciyey gebi ahaanba dadkii degganaa laga
bilaabo Afgooye ilaa iyo Kismaayo uguna badnaayeen
Digilka, Jareerta, Banaadiriga ,
Mashunguliga iyo Baajuunta kuwaasoo
barakicintooda si tartiib tartiib ah loo
fuliyey inkastoo uusan Caalamaka sidaa uga
hadlin haddana si buuxda war looga hayo.
Waxaa sii raaceysa
barakicinta hadda ay ka wadaan Kooxaha ku
dul dagallamaaya Muqdisho iyo agagaareheeda
kuwaasoo Madaafiic iyo Bombooyin la dhacaaya
Deegaanada ay Rayidku deggan yihiin,
sababeyna dhimasho iyo bara-kac isa soo
taraaya maalinba maalinta ka dambeyso.
YAA KA MAS'UUL
AH XASUUQQA SOMLIA KA DHACEY ?
Waxaa iyana aan marnaba
ka maqnaan karin Kooxaha la magac baxdey
Ganacsatada Somaliya oo
labada dhinacba kala taageersan , kuwaasoo
ku lacageystay dhiigga shacabka Somaliyeed,
haddana dantooda ah iney sii waarto Hawshooda
xaaraanta ah, waana maal geliyeyaasha
Dagaalka.
Waa suurto gal iney lug
ku yeeshaan Odey Dhaqameedyada
qaarkooda , Culama'uddinka
iyo kuwa la magac baxey Bulshada
Rayidka ah oo kala raacsan Kooxaha
ku dagalamaayo Somaliya.
Arrintu si
kastaba ha ahaatee qormadaan waxaan ugu talo
galney in Somalida si ugu yaraan u fahmaan waxa
uu sharciga ka qabo DEMBIYADA DAGAALAKA ama
WAR CRIMES-KA hadba sida loo yaqaan iyo
suurto galka ay tahay in Somalida qaarkood lagu
soo Eedeeyo Dembiyo Dagaal.
Aragtidaa ka
dhiibo: oo wixi war celintaada ah u soo mari