|

OPINION
Runta ayey
isugu soo Biyo-Shubatey arrinta Somalia oo ahayd USC &
SRRC oo labaduba ahayeen Jabhado ay ku mideysan yihiin
Qab-Qableyaasha Dagaalka Somaliya ee 15kii Sano
mas'uulka ka ahaa Bur-Burinta Dalka iyo Dadkaba.
Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka
Somaliyed ayaa muddo hadda laga joogo 2 Sano saadaaliyey
in Siyaasadda Somaliya oo lagu soo dhisey Dawladda Ku
Meel gaarka ee Mbagathi aysan ahayn mid dhidibada ay u
aaseen Shacbiga balse ay u arkeen iney tahay Labadii
Koxood ee ay Madaxda ka ahayeen Qab-Qableyaasha Dagaalka
oo ay ku bahobeen USCda iyo SRRC.
Taariikh ahaan waxaa la wada ogyahay in
Qab-Qableyaasha Dagaalka iyo Jabhadahooda ay ahayeen
kuwo ay soo dhistey Dawladda Ethiopia oo fulineysey
danaheeda Siyasadeed guud ahaan iyo inyadoo doneysey
iney Somaliya ku hayso Dagallo sokeeye inta uu
karaankeeda yahay si ay uga bad-baado dhibaatada ay kaga
imaan karto Somaliya mideysan.
Waxaa intaas dheer Dawladda Kenya oo
iyadana dareen weyn ka qabto Somaliya oo Dawlad noqoto,
taasoo ay u aragtey iney dhibaato u geysan karto
danaheeda Siyaasadeed iyo mid Nabad-gelyaba ay si dadban
ugu dadaashey iney gacan ku siiso Dawladda Ethiopia iney
ka fushato Shirkii Mbagathi danaheeda guud iyadoo isla
markaasna Dawladda Kenya si xad dhaaf ah uga
faa'iideysato dhaqaalaha Somaliya loogu talo galey oo ay
maamusho UNka.
Arrinta la saadaliyey ayaa soo ifbaxdey
muddo 2 sano iyo bar ka dib markii ay dawladdii Geedi
noqotey Fadhiid soona baxeen Maxkamadaha Islaamiga oo
hadda xoog kula wareegaya Koonfurta Somaliya inteeda
badan, durbadiina aqoonsi ka heley Dawladda Ku Meel
Gaarka kulana shireen Khartuum (Suudaan)inkastoo aysan
muuqan inuu jiro wax ay ku heshiin karaanba.
Haddaba waxaa muuqata in dawladda
Ethiopia ay bilowdey iney dib u soo nooleyso SRRCdii ay
hore u soo dhistey, kana dhigtey Dawlad laakin socon
weydey, waxaadna moodaa iney 360 degree soo wareejisey
fargelinteeda Somaliya dibna ay u soo bilaabi rabto
Jabhadeyn iyo waxii ay xirfadda u laheyd oo ahayd iney
Somaliya ku hayso Dagaal Sokeeye.
Iyadoo ay Dawlad ku sheegga Somaliya ay
mas'uuliyiinteeda ugu sareeya ay ka dhawaajiyeen ineysan
la xaajoon doonin Maxaakiimta Islaamiga lagu sheegow
maxaa yeeley waxey yiraahdeen waxey doonayaan iney Dalka
naga qabsadaan , waxaeyna ka fikirayaan " Ma Kismaayaan
horta weerarnaa mise Baydhaba ayaan ku hormarnaa ?"
sidaas waxaa yiri Mr. Cabdullahi Yuusuf oo ah
Madaxweynaha Ku Meel Gaarka ee laga soo magacaabey
Nairoobi Kenya, isagoo la hadlaaya Baarlamaan ku sheegga
ee fadhiya Xarunta Galleyda ADCda Baydhaba.
Waxaa kale oo sidaas si lamid ah ku
dhawaaqey Prof. Cali Maxamed Geedin oo Warbaahinta si ku
shegey ineysan la shiri karin Madaxda Maxaakiimta ee
weliba yiri " Sh. Xassan Daahir Aweis oo aan la shirno
waxey la mid tahay annagoo la shirney Usaama Bin Laaden",
waxaana ereyo noocaas ah oo fogeyn kara rajada la qabo
in Somaliya Nabad lagu soo daboolo, sida wareysiyada
Xussen M. Ceydiid uu siiyey Mediyaha iyo dhowr Mas'uul
kale oo ka tirsan dawladda ku Meel Gaarka.
Dhanka kale Afhayeenada Maxaakiimta
qaarkood ayaa waxey Mediyaha ka gudbiyaan qoraallo
muujinaya inuusan dhici karin heshiis dhex mari karo
labada Koox maadaama ay ku kala aragti duwan yihiin
Mabaadi'da Siyaasadeed oo midna tan kale la socon karin,
waana Kitaabka Qur'aanka iyo Axdiga Ku Meel Gaarka oo ay
ku dhisan tahay Dawladda Ku Meel Gaarka, waxaana ka mid
ah qoraalladooda sida kan soo socda:-
Waxaa tartan ugu jira inay Somali
hogaamiyaan nadaamkoodana lagu xukumo Dowladda lagu soo
dhisey Kenya oo taageero ka heysata Ethiopia iyo Kenya
balse ka arradan taageerada iyo kalsoonida dadkeeda iyo
Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka takhalusey dagaal
oogayaashii 16 ka sano afduubka ku heystey, taageero
buuxdana ka heysta shacab weynaha Somaliyeed meelkasta
oo ay joogaan.
DFKMS ayaan mudadii labada sano aheyd ee
ay dhisneyd wax horumar iyo isbedel ah ka sameynin
wadanka gudihiisa iyo dibadiisa toona, una muuqata inay
fadhiidnimo wakhtigeeda ku dhameysan doonto sababtoo ah:
1- Ethiopia iyo Kenya oo ah 2 wadan oo
Somali u ah cadow soo jireen ah, dhibaatada iyo
dagaalada sokeeyana horseed u ahaa ayaa isku howley inay
dagaal oogayaashii Somalida oo badankood ayaga u
shaqeynayey ay Kenya isugu keenaan, kuna guuleysteen
inay dagaal-oogayaashii ka dhex sameeyaan baarlamaan,
madaxweyne iyo dowlad, taasoo loo arko in Somali lagu
lugoynayo ulana jeedaan inay Somali ku ridaan bohol ayna
abidkeed kasoo bixin.
2- Nidaamka federaalka oo loola jeedo in
Somali la kala daadiyo, qeybo yar-yar oo is wada
heystana loo kala qeybiyo sida labada maamul hoosaad ee
Somaliland iyo Puntland ay isu heystaan, Gaalkacyo
labadeeda ama qeybaheeda iska soo horjeeda iyo
dhibaatooyin kale oo badan ayaa looga gol leeyahay
qaabkan. Fikradan oo ay leeyihiin Ethiopia iyo Kenya
ayey gun-dhigeedu tahay in Somalia khariidada laga
tirtiro, lagana mid dhigo sida Somalida ay wadamadooda
ku gumeystaan ee ay maskaxdii, aqoontii iyo
dhaqaalihiiba kala dagaaleen.
3- 4.5 ka lagu qeybsadey xubnaha
baarlamaanka kuwaas oo lagu soo xuley xubnahan intey
xumaan geysteen, waxaa laga hor istaagey qofaan
qabyaaladiiste aheyn, loona diidey intii Somalinimo iyo
Islaamnimo wax ku rabtey. Waxaa kaloo loo doortey
golahan hogaamiyaashii dagaalka, dagaal oogayashii iyo
qab-qablayaashii qabiilka ee cadowgii diinta, dadka iyo
dalka Soomaaliyeed ku kaalmeeyeen inay berriga iyo
badaha Somaliyeed ku xad gudbaan.
4- Xubnaha ay dowladani ka kooban tahay
ayaa ah danbiilayaashii dagaalka kuwaasoo loo
sharciyeeyey dhibaatadii ay ku hayeen dadkooda iyo
dalkoodaba ayagoo lagu abaal mariyey inay noqdaan
madaxweyne, raysal wasaare, wasiiro iyo jagooyinka kale
ee sareba, waana kuwii dhibkii iyo afduubkii ay ku
hayeen dadkooda uga sii qalin jabiyey inay gumaadaan
walaalahooda ayagoo ugu aaraya American iyo yuhuud lagu
laayey wadamo kale.
5- Axdi Qarameedka, Dastuurka KMG iyo
Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo ah kuwii uu Talyaanigu
uga tagey gacan yarayaashii uu talada wadanka ku
wareejiyey iyo waxay Ethiopia soo yeerisey, kaasoo ka
hor imaanaya diinta Islaamka ee aan heysano, dhaqankeena
soo jireenka ah iyo horumarkeena kana soo horjeeda
midnimadeena, ayagoo uga dan leh inay raali galin iyo
kalsoonaan kaga helaan Xabashi iyo kuwa la mid ah oo
inay wax ka gooyaan maahine aan wax ku tari karin.
Culima udiinkii Soomaaliyeed oo saluugsan
kana mira diidsan dowladda dagaal oogayaasha ee Kenya
iyo Ethiopia ay soo dhiseen ayaa isku abaabuley inay
dhisaan maxkamado Islaami ah waxayna muddo gaaban kaga
guuleysteen dagaal oogayaashii caqabada ku ahaa Somali
16 ka sano, waxayna maxkamaduhu taageero buuxda ka
heleen dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee wanaaga jecel
meelkasta oo ay joogaan sababtoo ah:
1- Wanaagga iyo waxtarka joogtada ah ee
ay wadaan Maxkamadaha Islaamka ee ay howl wadeenada ka
yihiin culimaa udiinkii Somaliyeed ee uu Ilaahey sababta
uga dhigey inay samata bixiyaan Somali inta ka hartey,
ahaana kuwa dadkooda kala dagaalayey jahliga, diin
xumada, gaajada, cudurada iyo wax dhimaal kasta,
kuwaasoo mudadii gaabneyd ay jireen soo hoyiyey guulo
wax ku ool ah oo Ilaahey iyo Muslimiinta aduunka oo dhan
raali galiyey, dhakhsana faa’iidadooda loo arkay.
2- Nidaamka federaalka ee Somali lagu
kala daadinayo oo ay badelkeeda u rabaan in la sugo lana
adkeeyo midnimada inta xorta ah ayadoo loo marayo wacyi
galin sidii walaalaha kala irdhoobey quluubtooda leysugu
soo dumin lahaa, lana soo celiyo kalsoonidii walaalnimo
ee ay gooyeen dagaal oogayaashu, sidoo kalena loo diyaar
garoobo sidii lagu hirgalin lahaa riyadii ay Somali
weligeed ku taami jirtey ee aheyd in walaalahooda la
gumeysto ee ay maskaxdii, aqoontii iyo dhaqaalihiiba
kala dagaaleen cadow naga liita looga xoreyn lahaa loona
heli lahaa Somali Weyn.
3- 4.5 ka lagu qeybsadey xubnaha
baarlamaanka ee Embagathi booskoodii waxaa galaya Golaha
Shuurada kuwaas oo lagu xulayo waxtarkooda qof ahaaneed,
aqoontooda iyo ku dhaqankooda diineed iyo inta diinta,
dadka iyo dalka Somaliyed wanaagooda jecel.
4- Xubnaha ay maxkamadani ka kooban tahay
ayaa ah culimadii iyo sama wadayaashii Somali sharka iyo
xumaanta kala dagaalamayey ugana hiilinayey cadowga
aakhiradoodii iyo aduunkoodiiba xumeeyey kuwaasoo u
hogaansan sharciga Ilaahey u jideeyey, ayagoo
shacabkoodu doortey, kalsooni ay ku qabaan, mudanna in
lagu abaal mariyo inay noqdaan madaxweyne, raysal
wasaare (hadii loo baahdo), wasiiro iyo jagooyinka kale
ee sareba.
5- Nidaamka wadanka lagu xukumayo ayaa
waxaa noqonaya kuu Ilaahey noo doortey, nagu amrey
nooguna soo dejiyey inaan isku xukunno ee Shareecada
Islaamka, taasoo ka careysiineysa kana nixineysa inta
aan Ilaahey ku kalsooneyn, cadowga diinta iyo dadka
Muslimiinta ah iyo inta Somali wanaageeda kasoo
horjeedaba, waxaase hubaal ah in ku dhaqanka shareecada
Islaamku u yahay Somali xalka kaliya ee waara, kaasoo
sugaya kana run sheegaya diinta Islaamka ee aan heysano,
raali galinta iyo ku kalsoonaanta Ilaaheyna aan kaga
kaaftoomeyno wadamada kale oo dhan.
Waxaa Dowlada iyo Maxkamadaha kala
dooranaya una garsooraya shacab weynaha Soomaaliyeed ee
loo tartamayo, kaasoo leh awooda ugu weyn Ilaahey ka
sokow ee uu ku hirgalinayo dowladda iyo nadaamka ay
dantu ugu jirto asagoo ka faaiideysanaya khibrada 16
sano ah ee uu leeyahay kana fikiraya mustaqbalka dhow,
fog, aduun iyo aakhiraba.
Somaliyeey Arrinta si kastaba ha ahaatee
waxaan la hureynin waa Dagaal kale ee ka dhex dhasha
Labadaas Urur oo xaaraanta isku baheystey oo ay Madaxda
u yihiin SRRC iyo USC si magac kastaba ha
loo bixiyee, waana arrin la filan karo iney dhacdo sida
ugu dhakhsiyaha badan Ilaahey Masaakiinta ha ka bad
baadiyee, aamiin.
* IGAD, AU & UNka oo ku heshiiyey
Hanaanka Siyaasadeed ee lagu hagaayo Somaliya 10ka Sano
ee so socda - Muqdisho 19/3/2006
Waxaa ka soo wareegatey in ka badan 14
Sano markii xukunka laga tuurey Dawladdii Kacaanka ahayd
ee uu hoggaminaayey Keligii taliye Maxamed Siyaad Barre,
Dawladdaas oo Shacbiga Somaliyed isaga tuureen Qori
caaraddiisa ka dib markii cadaadiska iyo cabburinta laga
badiyey.
Shacbigase iskama tuuri kareyn haddii
uusan garab iyo gacanba ka helin Dawladaha Jiiraanka la
haa Somaliya ( Ethiopia iyo Kenya ) oo halis iyo khatar
joogta ah u arkaayey jiritaanka Rejiimkaas oo ficil
ahaan dhowr jeer isku dhac Ciidan iyo mid Siyaasadeedba
ay kala kulmeen una garwaaqsadeen iney tahay lagama
maarmaan iney iskaga kaashadaan bur burintiisa iyagoo u
adeegsanaaya Shakhsiyaad Somali ah oo haba yaraatee aan
lahayn aragti fog ee Siyaasadeed iyo Waddanimo toona,
Dawladaha Reer Galbeed Qaarkooda oo ay ugu weyneyd
Dawladda Mareykanka iyo UNkaba.
Waxaa si farsameysan loo qorsheeyey
Barnaamijkaas oo loo kala qeybiyey dhowr marxaladood oo
u kala qeybsanaa sida soo socota :-
1) Marxaladda Koowaad waxey ahayd sida
ugu dhakhsiyaha badan in loo rido Rejiimkii Kacaanka
ahaa loona adeegsado wax allale waxii lagu isticmaali
jirey marka Rejiim la ridaayo oo kala ah :- Mid
Siyaasadeed oo lagu taageerayo dhinaca Warbaahinta
kooxda Mucaaradka ah, mid dhaqaaleed oo ku saabsan in
Cuna-qabateen dhaqaale oo toos ah ama dadban in lagu soo
rogo Rejiimka, mid Nabad-gelyadeed oo ku saabsan in la
abuuro Kooxo argagaxiso ah oo abuureyso Nabad gelyo Xumo
iyo midda ugu dambeyso oo ah in la hawl geliyo Kooxda
lagu magacaabo Amnesty International iyo NGOyada u dooda
waxa lagu tilmaamo Xuquuqda Aaadanaha, arrimahaas oo
dhan markii la hawl geliyo ay ridi karaan Rejiim kasta
oo jira.
2) Abuuris Hoggamiyeyaal Dagaal iyo
taakuleyntooda ka hor iyo ka dib markii Rejiimka la rido
iyo u abuuris ilo dhaqaale iyo aagaag ay kal sheegtaan
si aaney u suurto gelin iney iyagana dib u dhisaan wax u
eg Maamul Dawladeed , kuna sii haayaan Dalka iyo Dadkaba
jaha wareer nooc kasta leh , haba ugu sii weynaato midda
Nabad-gelyada taasoo haddii la waayo aan la heli karin
kuwa kale sida dhaqaalaha, Caafimaadka, Wax barashada
iyo Siyaasaddaba.
3) Madadaalin lagu sameeyo Shacabka iyo
Beesha Caalamkaba iyagoo loo muujinaayo in wax laga
qabanaayo dhibaatada ka jirta Dalka, si arrintaas loo
fuliyana loo abuuraayo Hay'ado lagu magacaabo Samafal,
NGOyo, Xafiisyo Deeq Bixiyeyaal la magcaabo, Kuwo
mashaariic Cilmi baaris iyo Sahan ku sameeysta iyo
Wakiillo ka kala socda UNka , EUda , AUda, ALga iyo kuwo
kale oo fara badan oo kulligooda ka shaqeeya inaan waxba
ka hagaagin Waddankii la bur burirey ilaa iyo waqtiga
loogu talo galey iyo ujeedada looga dan lahaa laga
gaaraayo.
4) U qabasho Shirar Dib u Heshiisiin lagu
magacaabo oo ka mid ah Taktikada lagu dheereysto waqtiga,
laguna hawl geliyo Hay'adaha ka daneysta arrimahaas kana
faa'iideysta Deeqaha dhaqaale ee lagu soo qaado magaca
Waddankii la bur buriyey si loogu helo dhaqaale loona
jeeb siibo Hay'adaha Deeqda Bixiya sida EUda iyo kuwo
kale oo iyagaba ogsoon arrimahaas , laakin ay u soo
dirsadaan Khubaro iyaga u shaqeeya una soo qaado
qeybtooda oo ay ka xadayaan Ha'adahooda .
Annago ogsoon arrimaha aan kor ku
sheegney ayaan door bidney inaan u iftiimino
Shacbiweynaha Somaliyed oo xalaasha ah in arrimahooda
aysan ka sugin Hoggamiye dagaal iyo Dawladda ay u soo
dhiseen iyaga iyo IGADba iney xal u keenaan Dalkooda iyo
dadkoodaba ayna isku tashadaan sidii ay uga bixi
lahaayeen musiibadii sida sahlan loo geliyey
islamarkaasna ay ogaadaan inuu jiro Heshiis ay si wada
jir ah u galeen IGAD, AU & UNka iyo Qab-qableyaasha
Dagaalka oo ku saabsan in Somaliya sidaan lagu haayo
ilaa iyo 10ka Sano ee soo socota.
Akhristaha maqaalkani wuxuu is-weydiin
karaa su'aasha ah:- " Sidee baa lagu caddeyn karaa inuu
Heshiis noocaan ah oo kale jiri karo ? ", waa su'aal soo
bixi karta laakin jawaabteeda waa sahlan tahay oo waana
sidatan:-
b) 13 Shir Dib u Heshiisiin lagu
tilmaamey ayaa loo qabtey Somaliya, waana la wada ogsoon
yahay iney ku lug lahayeen Hay'adaha aan soo sheegney (
IGAD, UN iyo EUba ), waxaase leys-weydiin karaa :- "
Maxaa miro ah oo ay ka gurteen Ummadda Somaliyed? oo aan
ka ahayn Hoog iyo Halaag iyo Dagaallo Skeeye kale oo ay
dhex galaan iyo Xoogeysi ay ku sii xoogeysteen
Qab-qableyaasha Dagaalka .
t) Xageey ku dambeeyeen Dawladihii lagu
soo dhisey Heshiisyadii Somaliya loo qabtey oo ka
horeeryey kan ugu Dambeeyey oo Mbagathi/Kenya lagu
qabtey? Maxey la shaqeyn waayeen? Yaase ka dambeeyey
ineysan shaqeynin?
j) Maxaa ku dhacey tan hadda lagu soo
dhisey Kenya oo ay la shaqeyn la'dahay? Yaa u kala
qeybiyey Labadii Garab ee Xamar iyo Jowhar?
kh) Hadda oo la yiri waa leysku keeney oo
Cadan ayaa lagu soo Heshiisiiyey , yaa ka reebey
Wasiirrada Hubeysan ee Muqdisho iney ka qeyb galaan
Kulanka Baarlamaanka ee ka socdo Baydhaba ? Haddii aysan
ka qeyb galinna yaa ku heshiiyey magaalada Cadan oo
dirirsanaa ? Ma Shariif Xassan iyo Cabdullahi baa dirir
sanaa mise Hoggamiyeyssha USCda iyo kuwa SRRCda ?
r) Sida aan la wada soconno Baydhaba
waxaa taageero ahaan u tagey baa la yiri Waddamada IGAD
( Kenya keligeeda ), AU, EUda , Carabta, UNka, maxaa ka
reebey Dawladda Ethioipia oo ahayd Hooyadii
Hoggamiyeyaasha Dagaalka ?
s) Yaa ka dambeeyey dhismaha iyo ku
dhawaaqidda Isbaheysiga la magac baxey " La dagaallanka
Argagaxisada iyo soo celinta Nabad-gelyada oo loogu
dhawaaqey Dayniile Muqdisho ? Yaase ku soo darey Maxamed
Dheere Is-baheysigani maadaama uu maalintii ugu horeysey
ka soo horjeystey?
sh) Waa maxey ujeedada ka dambeyso
dhismaha Is-baheysigani ? Ma waafaqsan yahay Axdiga Ku
Meel Gaarka iyo Sharciga Dalka iney Wasiirro iyo
Xildhibaanno ka tirsan Dawladda lagu soo dhisey Kenya ay
sameystaan Urur Siyaasadeeed ama mid Ciidan iyadoo ay
dalka ka jirto Dawladdii ay iyaga ka midka ahaa ?
d) Maxey ka yiraahdeen IGAD, EU iyo UNka
ku dhawaaqidda Isbaheysiga la dagaallanka Argagaxisada
iyo tegitaan la'aanta Hoggamiyeyaasha Hubeysan Shirka ka
socda Baydhaba ? Go'aannada ka soo baxa Baarlamaanka
mala fulin karaa iyagoo ka soo horjeeda Hoggamiyeyaasha
Hubeysan ? Maxaa yeeley sida Axdiga lagu soo heshiiyey
uu qabo Dawladda waa mid dib u heshiineed, waxeyna
go'aan ku gaareysa habka " Isla oggolaanshaha loo yaqaan
ama afka qalaad loogu yaqaan " Consensus " , haddii taas
la waayana , waa maxey waxa ka imaan kara ?
dh) Ma waafaqsan tahay Axdiga ku Meel
Gaarka iney Seddaxda Madax ee Somaliya kulligooda ka
wada maqnaadaan Dalka ( Madaxweynaha, Afhayeenka iyo
Ra'iisul Wasaaraha ) ? Haddii aysan ahayn Kooxo
Hoggamiye Dagaal ah oo ku sheeganayaa magaca Dawlad aan
Run ahaantii Jirin, maxaa yeeley Dawlad jirta kama wada
dhoofi karaan Madaxdeeda Sedaxda Awoodeed Tan Sharci
Dejinta ( Legislative) Tan Fulinta ( Executive ) iyo
Garsoorka oo haba yaraatee aan jirinba .
Q) Ma waafaqsan thay Hab maamuuska iyo
Brotokolka Caalamiga in Madaxweyne dal Shisheeye tegey
oo ay Garoonka ku soo dhoweyaan Ra'iisul Wasaarihiisa
iyo Wasiirkiisa Arrimha Dibadda ? Mise Dawladda uu u
tegey waxey u haystaa inuu ka taliyo Gobol ka mid ah
Dalkeeda Kenya ? Maxaa yeeley haddii kale waxey raaci
lahayd Sharciga Caalamiga ee ku saabsan Hab-maamuuska
iyo Brotokoolka waxaana soo dhoweyn lahaa Madaxweynaha
Kenya sida waafaqsan Brotokoolka Caalamiga.
Arrinta si kastaba ha ahaatee waxaan
Dadweynaha Somaliyed u soo bandhigeynaa iney ogaadaan
Xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan Xaaladda Somaliya iyo
waxa ay ka rabaan Dawladaha Jiiraanka , Hay'adaha lagu
magacaabo Beesha Caalamka iyo Hoggamiyeaasha Dagaalkaba
si ay uga soo toosaan Hurdadii la geliyey 1990kii uguna
guntadaan sidii ay xal kama dambeys ah ugu helaan
Dalkooda iyo dadkoodaba , kana tashadaan khiyaanada iyo
dabin daabyada loo soo qorsheeyey muddo hadda laga joogo
18 Sano.
* Xaliimo
Haji Cabdi - Maayland.com - Xamar Jab-Jab Muqdisho
19/3/2006
Go Top
|