Iyadoo uu Shirka Dib u
Heshisiinta Somaaliyed uu maraayo Wajiga
Seddaxaad ee Awood qeybsiga ayaa Beesha
Digil ay si taxaddar leh uga fiirsaneyso sed
buursiga ay doneyso Beesha Mirifle iyo Qab-
qableyashooda Dagaalka.
Taarikhda lagu dhisey
Isbaheysiga Digil iyo Mirifle way caddahay ,
qoralladeedana wey yalaan waxayna ahayd Beel
lagu magacaabey loogana yaqiiney Somalida
dhexdeeda " Digil iyo Mirifle", haddase
Beesha Mirifle oo isku hubeysey magaca RRA
ayaa soo saartey Taariikh cusub iyo beel
cusub oo ay ku magacaabeen " Sideed , Sagaal
iyo Digil " arrintaas oo ay waxba ka
duwaneyn Qori ku haysashadii laga soo
horjeedey, oo aan haba yaraatee lahaan karin
micno Beleed.
Sida la wada ogsoon yahay
Beesha Digil ma hubeysna badigeeda , mana
aysan ka qeyb galin dagallada sokeeye ee ka
dhacey Somaaliya, laakin waa Beel soo jireen
ah oo degta Gobollada ugu Barwaaqada badan
ee Dalka Somaliya sida Sh. Hoose, Jubbada
Dhexe, iyo Jubbada Hoose, waana Beel ku
abtirsata Somali Jaceylka, so dhaweynta iyo
toleynta Somaliyed iyo Nabad ku wada
noolaanshaha, taasoo u keentey in Beel kasta
ee Somaaliyed iney hunguriyeyso Beesha Digil.
Beesha Mirifle ayaa
Shirkii Djibouti ay cagta hoosteeda gashatey
Walaalahooda Digil kuna sameysey Caddalad
darro oo ay taariikhda Xusi doonto, oo la
wada arki doono goorta ay Somaalidu bilowdo
cod bixinta ku dhisan habka Dimoqraadiyeed
markaas oo la kala ogaan doono Beesha Tirada
badan iyo tan tirada yarba.
Dood iyo falanqeyn ka dib
, waxaa Beesha Digil meel kasta oo ay
joogtaba isku raacdey in Beesha Mirifle ay
ku so sameysey Caddalad darro Shirkii
Djibouti, haddana ay isla sidaas wax u
dooneyso iney sed buursi ku sameyso Beesha
Digil oo sharci ahaan ay wax u qeybsan
jireen 50% sida ay qirayaan
Odey-dhaqameedyada soo jireenka ah iyo
Taariikhdii lagu dhisey Digil iyo Mirifleba.
Arrinta si kastaba ha u
dhacdee , Beesha Digil meel kasta oo ay
joogtaba waxaa ka go'an ineysan marnaba
Raalli ka noqon Dulmiga ay wataan Beesha
Mirifle, kana dagallamaan inta karaankoda ah
xittaa haddii ay taasi keeni doonto inuu
Digil ka go'o Beesha Mirifle.
WARIYAHA MAAYLAND XALIIMA
IBRAAHIM CABDI- MUQDISHO SOMALIYA - 1/7/2004