The Voice Of The Voiceless

fa1.gif


 

 

 

shortblack.gif

 

 

QAREEN Dr. CALI M. APOLLO OO ERGADA SOMALIYED UGU BAAQEY INEYSAN U SOO MAGACAABIN XUBNAHA SHIR GUDDONKA IYO XALLINTA KHILAAFAADKA DAD DOONAAYA INEY KA MID NOQDAAN BAARLAMAANKA IYO DAWLADDABA - NEW YORK 15/6/2004

 

Qareen Dr Cali Maxamed Apollo oo ka mid ah Ergada Somaaliyed ee Rasmiga ah qeybteeda Bulshada Rayidka ( Civil Society ) kana mid ahaa Guddigii soo diyaariyey Axdiga Federaaliga ah ee ku meel gaarka ayaa wuxuu la kulmey Agaasimaha Waaxda Xallinta Mushkiloyinka iyo Khilaafadaka ee Qaramada Midowdey, waxayna isla soo qaadeen Arrimaha Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaliyed ee muddada Labada Sano ku dhow ka socdey Dalka Kenya.

Qareenka waxaa uu faah faahin ka bixiyey Guulaha ilaa iyo hadda laga gaarey Shirka iyo dhibaatoyinka hortaagan inuu ka gudbo marxaladdaan xasaasiga ah ee Awood qeybsiga Baarlamaanka iyo Dawladdaba.

Qareen Dr. Apollo waxaa uu hoosta ka xarriqey in dhibaatada ugu weyn ay ka timid Qaabka ay IGAD u wado Shirka kasoo haddii aan wax laga beddelin uu kordhin doono Khilafaadka hadda ka dhex oogan Beelaha Somaaliyed.

Qareenka wuxuu caddeyey inuu arrintani ka hor jeediyey Plenariga oo loo dhan yahay una sheegey Amb. Kiplagat inuu soo bandhigo Shuruuc qeexaan oo lagu daadihinaayo Shirka isagoo ula jeedey ( Rule of engagement ), kana digey haddii taas la waayo oo la raadiyo Isla oggolaansho guud ( Consensus) ay yeelan karto Cawaaqib xumadeeda, oo keni karta kala fogaansho weyn, maxaa yeeley buu yiri Qareenka Taariikhda Xallinta Khilaafyada Addunka weligeed laguma guuleysanin waxa la yiraahdo Consensus.

Ugu dambeyntii isagoo ka jawaabaayo Xalka suurto gal ka dhigi karo inuu Shirka guuleysto , wuxuu Qareenka ku taliyey arrimaha soo socdo:-

1. IN BEELAHA SOMAALIYED AYSAN MARNABA U SOO MAGACAABIN XUBNAHA SHIR GUDDOONKA IYO XALLINTA KHILAFAADKABA DAD DOONAAYA INEY KA MID NOQDAAN BAARLAMAANKA IYO DAWLADDA LA SOO DHISI DOONO, MAXAA YEELEY BUU YIRI CADDALAD KAMA SAMEYN KARAAN MAADAAMA AY DANTOODA HALKAAS KU JIRTO ( CONFLICT OF INTEREST)

2. IN SI AAN SHAKKI KU JIRIN LOO DABAQO LOONA HOGGANSAMO QODOBKA 30aad EE AXDIGA KU MEEL GAARKA AH.

3. INEY SOMAALIDA OGAATO IN LOO GUDBEY WEJIGA SEDDAXAAD EE AWOOD QEYBSIGA, LAGANA GUDBEY URURADA HUBEYSAN, DKMG IYO MAAMUL GOBOLEEDYADABA, AYNA ARRINTA HADDA TAAGAN TAHAY HEER BEELEED OO AY HOR KACAYAAN ODEYAASHA DHAQANKA OO LA YAQIINEY ( GENUINE TRADITIONAL LEADERS ) KUWASOO AAN AHEYNIN KUWII AY SAMEYSTEEN QAB QABLEYAASHA DAGAALKA IYO DAWLADDII MILITARIGA AHAYD. .

4. INEY BULSHO WEYNTA CAALAMKA IYO IPFtaba KALA QEYB QAATAAN SOO XULITAANKA XUBNAHAAS BEELAHA SOMAALIYED IYO IGADba SI LOO SUGO IN LA GAARO XAL WAARA, LALANA TASHADO AQOONYAHANNADA SOMALIYED IYO SIYAASIYIINTODABA.

.5. XUBNAHA SIDAAS LAGU SOO MAGACAABO WAA IN LAGU HOR DHAARIYAA NOTARY AMA GARSOORE LAGANA SAXIIXAA INEYSAN SOO GALEYNIN LIISKA BAARLAMAANKA IYO KAN DAWLADDABA, MAADAAMA TALADOODA LAGU SOO DHISI DOONO, IYO IYAGOO LAGU DHAARINAAYO INEY CADDALAD SAMEYN DONAAN.

H.E Amb. Fredick Hondrich ayaa mahad ballaran u soo jeediyey Qareenka Dr. Cali Apollo sida uu ugu soo jeediyey talooyinkan Nadiifka ah ee Waafaqsan Shuruucda Xallinta Khilaafyada iyo Mushkilooyinka, wuxuuna ku tilmaamey iney yihiin kuwo mudan in la raaco isagoo ballan qaadey inuu kala xaajoon doono IGAD, IPFta iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowdey.

Dr MARYAN ADEN WARIYAHA MAAYLAND EE UNka - NEW YORK 16/6/2004

 
 
walii war nag eh adi taabiyaaso inii qobto; fadlan in ki dir: safe_humanity@yahoo.com

« « Back to Home Page


 

Assurances:

Maayland will assure to all its surfers a well updated Information from a reliable sources according to the International Press Ethics. Every writers article will be welcomed by Maayland Webmaster without discrimination, but when an article is clearly damaging a personal reputations Maayland.com will prevent problem to be created. And in some cases It will not assume any      responsibility about the personal opinion, or emails from our range readers. All inquiries will be sent to the Person that have posted the target Article.

 
 

contact Information

safe_humanity@yahoo.com

 
 

 

   
   
 

 

safe_humanity@yahoo.com