Qaybta kowaad.
Wargeyska caanka ah ee
L'Espresso ee usbuuc walba ka soo baxa
wadaanka Talyaanika ayaa waxaa uu N. 22 ee
soo baxay usbuucaan 9 June 2005 ayaa helay
dokumeenti aad u muuhiim ah oo ku saabsan
xaaladda Sunta Nuklearka (radioactive toxic
waste).
Dokumeentigaan oo loo
guudbiyay Maxkamadda Talyaniga waxaa laga
helay nin madax ka ahaa koox ka mid ah Mafia
da Calabria iyo Sicily degta ee wadaanka
Talyaaniga oo lagu magacaabo 'ndrangheta,
kooxdaan oo ka qayb qaadatay duugiitaanka
iyo suunta badda lagu shubo intii ka
dambeysay 1983 mashruuca loo bixiyay
ECOMAFIA.
Ninkaan oo ahaa madaxda
ka mid ah kooxdaan magaciisiina la qarinaayo,
waxaana ku magacaabaya, Ndrinu, jaaraaidkuna
wuxuu qoray in uu haysto, witness
protection, maadaama uu la shaaqeynayo
kooxda dowladda Talyaniga ee Anti-mafia.
Dokumeentigaan wuxuu ka
hadlaaya arrimo aad u faro badan oo la
xariira dhowr qof oo siyaasiin sare ka ahaan
jiray dowladda Talyaaniga, militariga
Talyaniga, mafia da, niman beec mushtar ah,
bangiyada, hayaadaha sirdoonka, iwm.
Waxaase uu ninkaanu soo
bandhigay oo uu ka hadlay hoogaamiyee
kooxeedka dagaalka Soomaaliyeed, niman
Talyaani ah oo Soomaalida la shaqeyn jiray
iwm.
Sidaa aad la socotaanba
arrinta Sunta khatarta ah ee lagu shubay
Soomaaliya waxay bilaabatay waqtiyaaddii
dowladdi la riday 1985tii iyo wixii ka
dambeyaay.
Laakin arrinta ugu foosha
xun ee loogaga beecmushtaraayo Sunta oo
wadanka lagu gatay laguna badashay hubka
(arms-toxic waste traffic deal) waxay
bilaabatay 1990 wixii ka dambeyaay.
Waxaana door weyn ka
qaatay hoogaamiye kooxeedyadda Soomaaliyeed.
L'Espresso waxaa uu soo
ogaaday oo lagu qoray dokumeentiga dowladda
Talyaaniga ay gacanta ku hayso in ay ka qayb
qaateen Cabdullahi Yusuf iyo dad kale:
Cabdullahi Yusuf waxaa lagu sheegay in uu
1992 lacag dhan 7 malyaan dollar looguna
shubay Bangiga �Credit Suisse oo Lugano ku
yaala, lacagtaas waxaa maalinta "Ndrinu" la
socday Dr. Candelieri oo lacagta xawilay.
Dr. Candelieri waxaa uu
waqtigaas madax ka ahaa qolodda loo xil
saaray in ay gubaan Suntaan. Waxaa uu
L'Espresso sheegay in Cabdullahi Yusuf uu
ogooladay dhul ka mid ah Puntland iyo
baddaha Bari ee Soomaaliya in lagu aaso
Suunta.
Suunta qaar waxaa lagu
shubay wadaada isku xirta Garoowe-Boosaso .
"L'operazione", commenta
l'ex boss della 'ndrangheta, "si svolta
ancora una volta senza problemi e ha
previsto vari pagamenti.
Il contatto Abdoullahi
Yussuf per la di sponibilit" del territorio
ha voluto 1 miliardo 200 milioni di lire,
che gli furono pagati da Candelieri in
Svizzera presso il Credit Suisse di Lugano,
dove lo accompagnai personalmente fino alla
banca"
Waxaad qaybaha kale ka heli
kartaan jaraiidka L'Espresso N. 22 , 9
Giugno 2005.
DonnaSomala@yahoo.com