Qorshahan
Siyaasadeed
oo ay
damacsan
yihiin inay
fuliyaan
dadka hadda
hormuudka u
ah
Goboladaas
oo ay ku
jiraan
Jubbooyinka,
Baay, Bakool,
Gedo iyo
Shabeellaha
Hoose ayaa
si weyn
looga
dareemay
Magaalada
Baydhabo.
Maalintii
shalay ayaa
Magaalada
Baydhabo
waxaa ka
furmay sida
la soo
sheegayo
kulan guud
oo ay
yeelanayaan
ku dhawaad
100 ruux oo
isugu jira
odayaal
dhaqmeedyo,
Siyaasiyiin
iyo
aqoonyahano
ka soo jeeda
Beelaha
Digil iyo
Mirifle.
Ujeedada
kulankan
ayaa waxaa
waaye in ay
isku
cafiyaan
Beelaha
Digil iyo
Mirifle,
sida uu
sheegay mid
ka mid ah ka
qeybgalayaasha
kadibna loo
sameyn lahaa
Guddiyo ka
soo shaqeeya
dhismaha
Maamuladaas.
Guddoomiyaha
Baarlamaanka
Sheekh Aadan
Madoobe ayaa
waxaa uu
sheegay in
loo baahan
yahay in dib
loo soo
noolaayo
Dowlad
goboleedkii
Koonfur
Galbeed oo
mar
Madaxweyne
ka noqon
jiray
Shaatigaduud.