The Voice Of The Voiceless

fa1.gif

 

 

 

shortblack.gif

 

AXDIGA KU MEEL GAARKA ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND.


 

Magaca Ilaahey oo Awoodiisa ku abuurey Koonka, kuna Manneystey Raxmaddiisa Annagoo ah Wakiillada Sharciga ah ee Shacbiweynaha Somaaliyed ee ku nool Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland isuguna yimid Kalfadhigeyna Koowaad , waxaa annagoo raaceyna Wakaaladdii ay inoo wakiishteen Dhaqanka Hinterland , si buuxda isuku raacney ku dhawaaqidda Dawlad Goboleedka Hinterland islamarkaasna Ansaxiney Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga ah ee Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.

GOLAHA KU MEEL GAARKA AH EE DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND

MARKUU ARKEY ISLAMARKAASNA TIXGELIYEY:- Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed, Shuruucda Dalka, Dhaqanka iyo Caadoyinka Suuban ee Shacbiweynaha Somaaliyed.

MARKUU ARKEY, ISLAMARKAASNA TIXGELIYEY:- Ballanqaadka Dawladda Dhexe ee Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed kuna saabsanaa iney dhidibada u aasto dhismaha Dawlad Dhexe oo ku shaqeyso Nidaamka Federaaliga ah, gacanna ku siiso Gobollada iney soo dhistaan Dawlad Goboleedyo sida waafaqsan Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed, lana sii wado dib u Heshisiin dhab ah oo dhexmarta Beelaha Somaaliyed.

TIXGELIYEY ISLAMARKAASNA OGGOLAADEY:- Wakaaladda ay u soo wakiishteen Dhaqanka Reer Hinterland oo sharci ahaan xaq u leh iney mathalaan Qarannimada Hinterland , kan Shacbiweynaha iyo Bulshada Rayidkaba iyo baahida loo qabo in dib loo soo celiyo ku dhaqanka Nidaamka iyo Sharciga inta u dhexeysa Xuduuda Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.

MARKUU TIXGELIYEY: - Baahida deg dega ah ee ku saabsan abuuridda Xiriir Iskaashi adag oo dhan kasta leh sida mid dhaqaale, Siyaasad, iyo Nabadgelyo dhexmara Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland, Dawladda Dhexe ee ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed iyo Bulshoweynta Caalamka.

MARKUU TIXGELIYEY: - Bur Burke iyo Xanuunka uu Dagaalka Sokeeye oo Waxshinimada ku dheehneyd uu u geystey Shacbiweynaha Reer Hinterland oo in muddo ahba ku noolaa daryeel la’aan ee la xiriirta Xuquuqda Aadanahana oo lagu tuntey.

WUXUU GUDDIGA KU MEEL GAARKA KU DHAWAAQAYAA ISLAMARKAASNA DHIDIBADA U AASAYAA

Qod. 1aad

(Magaca Dawlad Goboleedka )

Waxaa si buuxda dhidibada loogu aasey loona dhisey ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND iyadoo la dhowraayo Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed.

Qod 2aad.

(Shacbiga)

Somaalida oo dhan ee wada degta Gobollada ay ka kooban tahay ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND ayaa ah Shacbiweynaha HINTERLAND.

Qod. 3aad

(GOBOLLADA)

ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND wuxuu ka dhashey israaca Siyaasadeed, dhaqaale, Nabadgelyo iyo Bulsahdeed ee Gobollada:- Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

a) Waa u furan tahay Gobollada Somaaliyed oo dhan oo doonaaya iney ku soo biiraan Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland iyagoo mas'uuliyintooda ka wakiil ah Shacbigooda u saxiixi doonaa ku soo biiritaankaas lana saxiixan doono Mas'uuliyinta Hinterland Heshiiska noocaas ah.

Qod. 4aad

(XUDUUDA)

ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND waxay awood sharciyeed ku yeelaneysaa dhamman inta u dhexeyso xuduudda Gobollada ay ka kooban tahay.

Qod 5aad

(CALANKA)

ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND waxay yeelaneysaa Calan leh qaabka Rektangularka ah oo ka kooban seddax qeybood oo siman, wuxuuna calankaas leeyahay seddax midab oo kala ah:- Cagaar oo qeybta hoose ah, Madow oo qeybta dhexe ah iyo Casaan ama Gaduud oo qeybta Sare ah.

Qeybta Sare ee Gaduudka ah waxey geeska Midig ay ku leedahay Xiddig Weyn shan geesoodle ah oo Cad oo si siman ugu hareersan Seddax Xiddigood yar yar oo iyagana caddaan ah kagana yaalaan midig, bidax iyo hoose .

2 ) FASSIRAADA CALANKA:-

b) Midabka Cagaaran wuxuu tilmaamayaa dhul bereedka & Barwaaqada dhulka Hinterland.

c) Madowga wuxuu qeexayaa in HINTERLAND ay tahay Dawlad Goboleed Somaaliyed ah oo ku taal Qaaradda Afrika.

d) Midabka Casaanka ama Gaduudka ah wuxuu tilmaamayaa dhiigga Shacbiweynaha Hinterland looga daadiyey Dagaallada Sokeeye iyo ballanqaadkooda iney baajiyaan dhiig dambe oo daato si kastaba ha ku qaadatee.

e) Seddaxda Xiddigood waxay tilmaamayaan Gobollada Isku raacey iney dhistaan Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.

Qod. 6aad

(CAASIMADDA)

Magaalada BARAAWE ayaa si ku meel gaar ah u noqoneysa Caasimadda Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland, iyadoo loo tixgeliyey Joqraafi ahaan halka ay ku taal iyo sinnaanta masaafadeed ee ay u jirto Magaalo Madaxyada Gobollada ay ka kooban tahay Hinterland.

Qod 7aad.

(GOLEYAASHA KU MEEL GAARKA)

Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay ballanqaadeysa dhisidda Goleyaal loo wada siman yahay oo ay ka qeyb qaadanayaan Bulshoweynta deggan Gobollada Hinterland dhanka Siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha Bulshada, Nabadgelyada iyo Maamulkaba oo ku saleysan I TUS OO I TAABSII, kuna dheehan aqoon xirfadeed iyo xisaabtan dhab ah iyo xiriir adag oo lala sameysto Bulshoweynta Caalamaka, Deeq bixiyeyaasha iyo NGOyada.

2) DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND waxay yeelaneysaa:-

b) Madaxweynaha Dawlad Goboleedka;

c) Gole Baarlamaan ah iyo Gole Dhaqanka ah.

d) Garsoorka oo ka koobnaan doono :- Maxkamadda Racfaanka, Maxkamdda Gobolka iyo Maxkamdda Degmada oo guud ahaan ka hawlgeli donaan Garsooreyaal, Xeer Ilaaliyeyaal iyo Kaaliyeyaal laga soo doortey Gobolladooda iyo Degmoyinkooda islamarkaasna buuxiyey Shuruudaha laga doonaayo iney buuxiyaan Hawlwadennada Garsoorka.

Qod. 8aad

(MADAXWEYNAHA)

Madaxweynaha Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland wuxuu mathalayaa Astaanta Dawlad Goboleedka, wuxuuna mas’uul ka yahay xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeya Dawlad Goboleedka Hinterland iyo Dawladda Dhexe ee Ku Meel Gaarka Somaaliyed. Wuxuuna isudubayaa islamarkaasna kormeerayaa hawlaha Golaha Ku Meel Gaarka Hinterland iyo waxii kale oo sharci ahaan loo xilsaaro.

Qod. 9aad

(GOLAHA KU MEEL GAARKA)

Golaha Ku Meel Gaarka Hinterland wuxuu ka koobnaan doonaa:-

b) Madaxweynaha;

t) Golaha Xoghayeyaasha Dawlad Goboleedka.

Golaha Ku Meek Gaarka ee Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland wuxuu isagoo tixgelinaaya Axdiga Ku Meel Gaarka Dawlad Goboleedka fulinayaa ballanqaadyada ay gashey Dawlad goboleedka Hinterland islamarkaasna kormeerayaa Hawlaha horumarinta Gobollada oo ay wadaan Guddoomiyeyaasha Gobollada laga soo doortey.

1) Golaha Xoghayeyaasha wuxuu ka koobnaan donaa Wakiillada Shacbiweynaha Hinterland oo si hufan, muuqata oo si siman loo soo doortey iyadoo la dhowraayo ka qeybgal siman oo loo dhan yahay kana tarjumeysa Xirfad iyo xisaabtan dhab ah lagana tegeynin dadka laga tirade badan yahay.

2) Wuxuu mas’uul ka noqonayaa sii wadista Dib u Heshisiinta Beelaha Somaaliyed oo laga soo bilaabey Magaalada Eldooret ee dalka Kenya iyo Nairoobi, taasoo dhalisey Dawladda Dhexe ee Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed.

3) Wuxuu Iskaashi iyo Xiriir la yeelanayaa Dawladda Dhexe ee Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed, Guddiyaasha Qaranka ee Madax Banaan, Dawlad Goboleedyada kale, Bulshoweynta Caalamka isagoo tixgelinaayo Axdiyada Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaliyed iyo kan Hinterland, Shuruucda dalka, Dhaqanka iyo Caadooyinka Suuban ee Ummadda Somaaliyed.

4) Marka laga reebo Xaaladda deg Degga ah dhammaan Go’annada Golaha Ku Meel Gaarka waa in loo gudbiyaa Goleyaasha Sharci dejinta si ay uga doodaan una soo Ansaxiyaan.

5) Dhammaan Xubnaha Golaha Xoghayeyaasha waa iney da’dooda u dhexeysaa 40-65 Sano, ayna sitaan ugu yaraan Shahaado Jaamacadeed ama mid u dhiganta, waana iney lahaadaan khibrad iyo Waayo aragnimo lagu qanci karo ee la xiriirta Maamul ka soo shaqeyn, waxaana ku waajib ah iney maraan baaris Caafimaad iyo mid Mukhaadaraadba.

6) Muddada Golaha Ku Meel Gaarka waa 4 Sano laga soo bilaabo maalinta loo dhaariyey Xafiiska, waxayna Xubin kasta ku waayi kartaa Xilkeeda Istiqaalo, dhimasho ama Xil Gudasho waa joogta ah.

7) Xubnaha Golaha Ku Meel Gaarka waxay leeyihiin Xasaanad Sharciyeed marka laga reebo haddii lagu qabto dembi oo ay faraha kula jiraan.

Qod. 10aad.

(GOLAHA SHARCI DEJINTA)

Wuxuu dejinayaa Shuruucda Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland, wuxuuna ka kooban yahay laba Gole oo wada shaqeyn Sharci ah ka dhexeysa, laakin kala madax banaan, waxayna Goleyaasha Sharci dejinta yihiin: -

b) GOLAHA BAARLAMAANKA DAWLAD GOBOLEEDKA.

c) IYO GOLAHA DHAQANKA.

Gole kasta wuxuu yeelanyaa Xeer Hoosaadkiisa u gaarka ah si uu u fuliyo Hawlaha Sharciyeed ee ay Ummadda ka sugeyso, si loo xaqiijiyo in awood qeybsiga iyo ka qeyb qaadashada Maamulka ay u wada sinnadaan Shacbiweynaha Reer Hinterland lagana soo bilaabo heer ugu hoseeysa ee Bulshada iyadoo aan cidna laga tageyn.

Qod. 11aad.

(BAARLAMAANKA)

Wuxuu isagoo raacaaya Axdiga Ku Meel Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland qabanayaa hawlaha ku saabsan Sharci dejinta.

Baarlamaaka wuxuu ka koobnaan donaa 77 Xubnood ama Kuraas oo Shacbiweynaha Hinterland loogu qeybiyo qaab Degmo ah (District Criteria) iyadoo Xubnaha laga doonaaya iney buuxiyaan shuruudaha Xeer Hosaadka iyo kan Axdigaba.

a) Xildhibaanka waa iney da’diisa u dhexeysaa 21-65 Sano, lana mariyaa baaris Caafimad mid Jirka ah iyo mid Maskaxdaba, waana inuu sitaa ugu yaraan Shahaaddo Dugsiga Sare ah , ama mid u dhiganta

b) Saamiga Haweenka wuxuu noqonayaa 9 Xubnood ama kuraas oo loogu qeybin doono habka heer Degmo (District Criteria).

c) Xildhibaanada oo dhan waa iney u dhaartaan Xilka ay u qabanayaa dadka soo doortey inta aysan bilaabin Hawsha Baarlamaanka.

d) Dhaarta waxay noqoneysaa sidatan: - “ WAXAAN KU DHAARANAYAA MAGACA ILAAHEEY INAAN DAACAD U NOQDO DALKA SOMAALIYED, AXDIGA KU MEEL GAARKA FEDERAALIGA SOMALIYED, IYO SHACBIGA REER HINTERLAND, AXDIGA KU MEEL GAARKA ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND, SHURUUCDA DALKA, DHAQANKA IYO CAADOYINKA SUUBAN EE SHACBIGA HINTERLAND”.

e) Muddada Baarlamaanka uu jiraayo waa 4 Sano laga soo bilaabo Kalfadhigiisa Kowaad.

f) Xildhibaanada waxay yeelanayaan Xasaanad Sharciyeed marka laga reebo xaalad lagu helo iyagoo dembi faraha kula jira.

g) Xildhibaanka wuxuu xilkiisa ku waaynayaa: - Istiqaalad ama Shaqo ka tegid, dhimasho, Xil gudasho waa joogto ah, ka maqnaansho sabab la’aan Shan Kalfadhi caadi ah, ama isagoo ku dhacey Xukun Maxkamadeed.

h) Baarlamaanka wuxu yeelanayaa Xeer Hosaad u gaar ah.

Qod. 12aad.

(GOLAHA ODEYAASHA)

Wuxuu yeelanayaa Awood Sharciyeed ee ku saabsan ku Kormeeridda Golaha Baarlamaanka fulinta hawlihiisa Sharci dejineed si loo waafajiyo Diinta, Dhaqanka iyo Caadoyinka suuban ee Ummadda Hinterland isago raacaya Axdiga Ku Meel Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.

Golaha Odeyaasha wuxuu Ansaxinayaa Sharciyada Baarlamaanka soo saaro, ama dib ugu celinayaa isagoo tilmaamaya meelaha dib ugu noqoshada u baahan si Sharcigaas loo waafajiyo Dhaqanaka, Caadoyinka iyo Xeerarka Beelaha wada dega Hinterland.

a) Golaha Odeyaasha wuxuu ka koobnaan doonaa Odey-dhaqameedyada (Dhaqanka), Bulshada Rayidka, Siyaasiyiintii Hore ee dalka, iyo Indheer garadka Reer Hinterland.

b) Golaha Odeyaasha wuxuu ka koobnaan donaa 35 Xubin ama Kuraas oo lagu qeybiyo qaab Goboleed ka dib markii ay soo doortaan Beelahooda ansaxiyaana Golaha Ku Meel Gaarka ee Hinterland.

c) Shuruudaha ku xusan Qodobka 11aad faqradahiisa (c, d, e, f, g, h) way khuseynayaa Golaha Odeyaasha.

Qod. 13aad.

(GARSOORKA)

Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay yeelaneysaa Nidaam Garsoor Madax Bannaan oo ay Ummadda Reer Hinterland si toos ah u soo doortaan. Wuxuuna Golaha Garsoorka si Madax bannaan u gudanayaa Hawlaha ku saabsan Garsoorka oo dhan ka dib markii loo dhaariyo Xilkaas.

a) Xeer Hosaadka Garsoorka ayaa tilmaami doona qaab dhismeedka iyo kan hawl gudashadaba si waafaqsan Axdiga Ku Meel Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland, Axdiga Ku Meel Gaarka Fedraaliga Somaaliyed iyo Shuruucda Dalka.

b) Garsoorka wuxuu ka koobnaan doonaa Garsooreyaal, Xeer Ilaaliyeyaal, iyo Kaaliyeyaal leh Aqoonta iyo Xirfadaha laga doonaaya Garyaqaanada ka dib markii ay buuxiyaan shuruudahaas ayaa misna si toos ah ay u soo dooranayaan Degmooyinka iyo Gobollada ay u qabanayaan Hawsha Garsoorka.

c) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay yeelaneysaa Maxkamadda Racfaanka, Maxkamadda Gobolka, iyo Maxkamadda Degmada lagu maamuli doona Xeer Hoosaadka Garsoorka.

d) Muddada Golaha Garsoorku waa 5 Sano laga soo bilaabo maalinta loo dhaariyo Xilalka Garsooreyaasha.

Qod. 14aad.

(XASAANADDA GARSOORKA)

Dhammaan Garsooreyaasha waxay leeyihiin Xasaanad Sharciyeed muddad ay hayaan Hawsha Garsoorka marka laga reebo xaalad lagu qabto iyagoo dembi Ciqaabeed faraha kula jira.

Garsoorka laguma fara gelin karo Hawlahiisa marka uu gudaanyo, waxaana taasii ka reeban Golaha Ku Meel Gaarka ee Hinterland inuu jideysto.

Qod. 15aad.

(MADAXDA GOBOLLADA IYO DEGMOYINKA)

1) Magaalo Madaxyada Gobollada sidooda ayey u jirayaan, waxayna hawshooda ku saabsan Horumarinta Gobolladooda u wadanayaan si Madax Bannan.

2) Guddomiyeyaasha loo doortey Gobollada ayaa mas’uul ka ah Maamulka Gobolka iyagoo la kaashanaaya Guddiga Gobolka.

3) Sidaas oo kale Degmoyinka oo dhan sidooda ayey u jirayaan una shaqeynayaan sidii ay ahayeen Dagaalka Sokeeye ka hor, waxana maamulkooda mas’uul ka ah Guddomiyaha Degmada dooratey isagoo la kaashanaaya Guddiga Degmada.

Qod. 16aad.

(XIRIIRKA GOBOLEED IYO KAN CAALAMIGA)

Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay si buuxda u ballan qaadeysa iney dhowreyso Dhammaan Heshiisyada Caalamaiga ah ee ku saabsan XUQUUQDA AADANAHA, waxayna ku dhaqmeysaa Siyaasad Albaabyadeeda u furan Deriska, Caalamaka, Maalgeliyeyaasha Shisheeye, Deeq Bixiyeyaasha iyo Hay’adaha Samafalkaba.

a) Waxay ballan qaadeysaa iney dhiira geliso Maalgelinta Shisheeye iyadoo u damaanad qaadeyso Nabadgelyo, Baaris Kheyraad lacag la’aan ah, Wada qeybsi Kheyraadka la soo saaro, dhowrista iyo Xanaanada Bee’adda .

b) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay ballan qaadeysa Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Macdanta laga soo saaro Dhulkeeda loona iib geynaayo dibadda iney la qeybsaneyso Dawladda Federaaliga Ku Meel Gaarka Somalliyed iyo Shirkadaha soo saara Macdanta , Batroolka, iyo Kheyraadka kale ulana qeybsan donnto sida soo socoto:-

1) 50% Waxaa yeelanaya Shirkadda soo saartey Macdanta iyo Kheyraadka la dhoofinaaya.

2) 17% Waxaa yeelanaya Dawladda Dhexe ee Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed.

3) 26% Waxaa yeelanaya Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.

4) 7% Waxaa yeelanaya Shirkadda Heshiiska iska leh ee Ajnabiga ah.

CANSHUUR QEYBSIGA KA DHEXEYN DOONO ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND IYO DAWLADDA DHEXE FEDERAALIGA KU MEEL GAARKA SOMAALIYED, WUXUU NOQONAYAA SIDATAN: -

1) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay ballan qaadeysa iney ka qaado Shacbigeeda Canshuurta ku waajibtey Sharci ahaan, waxayna isla markaas Canshuurtaas la qeybsan doontaa Dawladda Dhexe si loo daryeelo Ummadda Somaaliyed oo dhan.

Canshuurtaas waxay noqon doontaa 15% oo loo qeybin doono sida hoos ku qoran:-

a) 7% Waxaa yeelan doonta Dawladda Dhexe ee Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed.

b) 8% Waxaa yeelan doonto Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.

2) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland iyadoo ku dhaqmeyso Siyaasad Furan waxay Xiriir dhaqaale la yeelan doontaa Bulshoweynta Caalamaka iyo tan Goboleedba iyadoo u fureyso Xuduudaheeda iyo Albaabyadeeda Dadyowga niyadsamida u doonaaya iney u soo guuraan Somaaliya si ay u maal gashtaan, waxayna siineysaa Dal Ku Joog Shaqo oo ugu dambeyntii dhalin kara in la siiyo Jinsiyadda Hinterland haddii ay sidaasii u codsadaan sida uu qoraayo Axdiga Ku Meel Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.

3) Laga soo bilaabo maalinta lagu dhawaaqo, loona dabaaldego Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland dhammaan Ajaanibta ku dhalatey Gobollada Hinterland laga soo bilaabo Isticmaarka ilaa bilowga Dagaallada Sokeeye waxaa si toos ah loogu aqoonsanayaa iney yihiin Muwadin Hinterland, waxayna leeyihiin Xuquuqda ay leeyihiin Muwadiniinta Hinterland.

4) Si loo sugo Caalamaka inuu ku soo dabaalo Nabadgelyo buuxda, waxaa Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland iskeeda u ballan qaadeysaa iney inta karaankeeda ah ay sugto Nabadgelyada Gobolladeeda, tan Jiiraanka, tan Caalamkana oo ay ka geysato Iskaashi, kana hortagto fal kasta oo keeni kara Nabadgelyo darro, Argagaxisonimo ee waxii la xiriiraba.

Qod. 17aad.

(DHISIDDA BULSHADA RAYIDKA)

Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay ballan qaadeysaa iney dhisto oo dhidibada u aasto BULSHADA RAYIDKA oo madax banaan si looga faa’iideysto khibradda Xeeldheerenimada ay leeday, taasoo u fududeyn karta Goleyaasha Hinterland gudashada waajibaadkooda islamarkaana u sahli karta dhisidda Maamul ku shaqeeya Dimoqraadiyad hufan, Maamul muuqda oo ku saleysan Aqoon iyo ka qeybgal guud.

Qod. 18aad

(MARJACYADA KALE EE SHARCIYEED)

1) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay ballan qaadeysa iney si buuxda ugu dhaqmeyso Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaliyed, Axdiga Ku Meel Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland, Shuruucda Dalka, Dhaqanka iyo Caadoyinka Suuban ee Dalka.

2) Waxay si buuxda u aqoonsaneysaa uguna dhaqmeysaa dhamaan Heshiisyada iyo Mucahadooyinka ay Dawladihii Somaliyed la galeen Caalamka inta ka horeysey Dagaallada Sokeeye, waxayna ka dhiganeysaa Marjac Sharciyeed haddii ay soo ifbaxdo Dacwad Sharciyeed ee la xiriira Heshiisyadaas.

3) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay si toos ah u ballan qaadeysa iney Difaaceyso Midnimada Somaaliyed iyo tan Dawlad Goboleedkedaba.

Qod. 19aad.

(DHAQAN GALKA)

Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay dhaqan geleysaa goorta ay ku dhawaaqaan dhismaheeda iyo jiritaankeeda Wakiillada Sharciyeed ee Shacbiweynaha Hinterland, ka dibna ay ansaxiyaan Dhaqanka Gobollada ay ka kooban tahay Dawlad Goboleedka.

Haddii aad dooneysid faah faahin dheeraad ah fadhlan ku soo dir e-maillada fed13hinterland@yahoo.com ama fedhinterlandstate@yahoo.com.

MAHADSANID


 

« « Back to Home Page


 

Assurances:

Maayland will assure to all its surfers a well updated Information from a reliable sources according to the International Press Ethics. Every writers article will be welcomed by Maayland Webmaster without discrimination, but when an article is clearly damaging a personal reputations Maayland.com will prevent problem to be created. And in some cases It will not assume any      responsibility about the personal opinion, or emails from our range readers. All inquiries will be sent to the Person that have posted the target Article.

 
 

contact Information

safe_humanity@yahoo.com

 
 

 

   
   
 

 

safe_humanity@yahoo.com

walii war nag eh adi taabiyaaso inii qobto; fadlan in ki dir: safe_humanity@yahoo.com

« « Back to Home Page


 

Assurances:

Maayland will assure to all its surfers a well updated Information from a reliable sources according to the International Press Ethics. Every writers article will be welcomed by Maayland Webmaster without discrimination, but when an article is clearly damaging a personal reputations Maayland.com will prevent problem to be created. And in some cases It will not assume any      responsibility about the personal opinion, or emails from our range readers. All inquiries will be sent to the Person that have posted the target Article.

 
 

contact Information

safe_humanity@yahoo.com

 

safe_humanity@yahoo.com