|
Qalliin fashilmay ayaa sababay in Somaliya
dhimmatto, waxaana isugu soo baxay aasideeda dadweyne Somali aad
u fara badan, Prof. Geedi, Koroneel Cabdullahi Yusuf, Beeraleey
Shariif, Iyo kooxdi kale ee Muqdisho oo iyigana ka yimid X.
Aweys, X. Shariif, iyo Ciidamo Majeerteen ah oo Puntland ka
yimid iyo kuwo Itoobiyaan ah oo dagaal ooge Cabdullaahi Yusuf ku
sheegay in ay yihiin; ' Somali goor hore dalkoodi ugu dambaysay
oo afki ka lumay '.
Madaxweyne Abdullahi Yusuf ayaa shaaca kaga
qaaday goobti Qubuuraha ee Somaliya la rabay in lagu aaso, in
geerida ku timid dalka uusan isaga sinna masúul uga ahayn, balse
horey dalka u dhintay goorti Dr: Cabdi Qaasim gacanta ku hayey
dalka, oo Dhakhaatiirtii Qalliinka ku dheerayd Dhakhtar Suudi
iyo Dhakhtar Qanyare iwm. laga eryey
dalkoodi ka daaweyn waayeen dartiisa.
Waxa
uu intaasi raaciyey in ay isaga iyo Dhakhtar Zenawi, iyo Prof.
Cali Geedi isku dayeyeen in ay qalliin kaga badbaadiyaan cudurka
hayey Somaliya, balse kuwo Dhakhaatiir isku sheegayo ee la yiri
in Afganistaan, Suudaan iyo Iiraan wax ku soo barteen ka masúul
yihiin geerida Somaliya ku timid.
Waxaa dhinaca Maxaakiimta ka soo qeyliyey cod
oranaya, adigaba Addis Ababa ayaa wax lagugu soo baray. Markaan
arrinta si toos ah u weydiinay dhinaca kale Golaha Ururka
Islaamiga, waxa ay sheegeen in Dhakhtar Zenaawi ka masúul yahay
geerida Somaliya, ee Dagaal ooge Cabdullahi Yusuf u keenay
Dhakhtar ahaan, oo qalliinna aan waxba ka aqoon oo faas iyo
tooray mirrir ah oo taankiyo u eg u adeegsaday dooxideeda, oo taasina ay sababtay
in ajal deg deg ah Somaliya ku timaado.
Dhakhtar geedi waxa uu halkaas ka yiri in
Somaliya aysan neefsan karin markii qolka qalliinka la soo
geliyey, oo aanan fadhigayga ka kicin, balse aan gartay in ay
dhimmatay goortii General Caydiid gacanta ku hayey. Wasiirka
arrimaha gudaha ee Somaliya goobta ma uusan joogin haddii uu
arrintaasi ka jawaabi lahaa.
Waxaase halkaas kaga jawaabay qof isaga ka
wakiil ah oo yiri; ' goorti Siyaad Barre ' ayay Somaliya
dhimatay. Waxaa arrintaasi markiiba meesha ka beeniyey Wasiirka
Gaashaandhiga ee Bakhaarka A.D.C-da ee Baydhaba, Koloneel Barre
Shire Hiiraale oo isagana sheegay; in Somaliya dhimmatay
casrigii Dawladdii Musuq Maasuqa.
Dagaal ooge Cabdullahi Yusuf ayaa arrintaasi
isla marki gacanta ku sayriyey, oo yiri aniga goortaan xabbadda
ugu horeysay tuuray, ogaada in aan la gefay, balse arrintu ku
caddaatay Dhakhtar Cabdi Qaasim iyo nin kale oo la ii sheegay oo
Marka xoog ku haysta, lana yiraahdo Yuusuf Indha Cadde ka masúul
yihiin. Haddii aysan waxba isku ogeyn maxay aasidda uga baaqdeen?
Warku intaa ha noogu dhamaado, oo amarka uulul amriga qaata.
Ugu dambeyntii, waa igu walle in Somaliya
aysan wada dhimman! Oo inti Gobolka gadooday caafimaad
qabo aaney nasasho ii oolin, waxa keliya ii harsan waa
Somaliland oo barwaaqo isu horseeday aniga oo nafta igu jidha.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee Bakhaarka A.D.C-da Baydhaba waxba
kama uusan oran arrintaasi balse halkaas keligii ka sacba tumay.
Ugu dambeyntii waxa uu halkaasi ku codsaday in la xasuusiyo wixi
lagu oran jiray af carabiga. Ka dibna X.D. Aweys yiri; " Ïnaa
lillaahi wa inaa Ileyhi raajicuun."
Waxaa hadalki meesha ku soo gabagabeeyey
Dhakhtar Zanaawi oo af aan la garaneyn halkaasi kaga sheegay
hadal gaaban oo dadweynaha Somaliyeedna ku oorinayeen. Waxaase
meeshi ka turjumay Dhakhtar Cali Geedi oo yiri; khallad ha
fahmina waa duco afkeena labaad ee hooyo, oo dalki dhinta loo
aqriyo, waxa kale uu intaas ku daray in Dhakhtar Zanawi yiri; in
Itoobiya xataa sakaraat ku sugan tahay oo aanay waxba ka dambeyn
doonin Somaliya oo eedeedana loo aaneynayo Mengiste Haila Mariam
oo maxkamadda sharciga caddeysay iyo idaacadaha xorta ah ee
Itoobiya.
|