The Voice Of The Voiceless

fa1.gif


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

shortblack.gif

 

 

Geeri Lan Adi In Gorodaayne iyo Lan Gaal-jire eh iyaa ki sante.

Waay xaqiiq etaa dadkii hadalkaan dheheen, inii runta sheegeen. Daliilsheena waay eyaa markii adi aragto lan wiin dhirif iyo roor irridda unku boho, in astaantiyee latto inii raali wal usi unku ahaayne dhiyeen. Huseen Aydiid oo 2 bil ku hor sheegi in hariigmida soohimeed ee Waddanka Somaliya iyo tan Itoobiya la tir-tiro oo lamada ummud hal Baasaboor wada qaadidaan.

Qafiifow waay eyaa alankii General Mahamad Faarah Aydiid (Abuur-siibow-2aad), lankii ku mid ahaayii inii sababo in 300 qof oo Digil iyo Mirifle maalintii shaleentiyee ki dhimmito Baydhaba. Huseen oo hoolii aawsheey dhameystiraaw, waay dileey dad dadkaana eh oo tiro badan oo al soo kooba korne, bilaayoodii iyo in soo mooro geliyeen goboldheeda Bay, Gedo iyo Bakool khaas ahaan. Geedoogii dadka dulmiga diideen liki lalmiyi willi astaantiyoo ki yaale, barbaartii galnyooga luku shaffi bershoo willi nolol baas eh ki nool.

Fa’ ku fa’ Aw-Huseen Aydiid iyo Aawsheey iyo barbaartii diinta al barne oo gobolooga dhatta luku sheeni, waay hool galow willishee al hilmaama korne ku galeenaa gobolodaayno, waay ki keheenaa Dil, dhiyow, kufsi, aafa. bara-kiyow iyo halaag dadkaayno Somalida kale iniila wadaagne, illaa geegidaan hadda la roogo, haddii luku reebo tii Somaliland iyoo in jeeysideen 1988dii.

 Daalim kastoo jiro, mar yaa Rabbi runta ku sheenee. Kii dhahi oo kalewa; ‘Rabbigeey ogaayii inoo usi Hag gudaaw; laakin ma taabiyaayni in usi dubbur dubbur ki gudaaw’. Shaleey markii dadkaayno leedaayeen, oo baad iyo biyo liin diido hub ahaan liinki adeegsidi, barbaartiyoo hool galka ku haayeen Jubbuda Kore, Jubuda hoos, iyo Banaadir, oo dadkaayno la gumaadaayii, waay dhaha jireen; ‘ dadkeena maahan kuwaan, waa Eelaay!

 Maay ku dhuuri badan Aay owlaadiyee hal hal baahi inki dhimideen oo walii iyo aama fadeen Qorri aariddiis luunku usudi, tabarna iniin haaynii iyi ki duugto dhalliyee oo Isniin, Talaada iyo Arbaa shal dhimideen. Aawshoona hortiyoo iyoo aragaayaan shuftidii Galgaduud horay in ki dilli. Geega farhad maleh walii Hamar ku dhiyooyo, oo dhibka uni dhon baa ki jirne, run ahaantii dadkaayno ha'in badanaadeenaa, oona  ay ki sheegaayne akhbaartiyoo oo qabiilka ku reebtoonyo markii dantiyoo in haayne. Laakin waay yaab leyaa in Aw-Huseen Aydiid oo shaleey dhibkaas dadkaayno in jeeysidi, geega ku dareersidi dowlo beentii usi darajada kor luku siiyi. Maay? Waay arageey dadsheey oo Daafooga-Daarood, Hawiye qeybtiis kale iyo Tigree oo si kulun leh inki gumaadeen Haafidoogii beesooda Haaranta ahaaytii liki dhisi. Geeri Lan Adi In Gorodaayne yaa Lan Gaal-jire iyaa ki santidii-wa.

 Waay soo maga qaadeey in Dimbiyo-Bilaayo (War Crimes) liki soo eedooyo dhamaan Askar-Daafeedii Puntland-Majeerteen iyo kuwa Tigreega ee Itoobiya. Xasuuq, dil-gumaadeed, iyo bara-kiyow oo toos eh liin jeeysidi dadsheey Habargidirta eh yaa muuqite in dhiigsheey soo kiyi, oona al filaayno in usi raali unku nagadaayne in lamada waddan liiski darro dhaafee, balse raali ku ayo in usi ki Markaati furo Wideeydheediis dimbiga wadaagaan.

 Waay in agtaa in Hawiyaaga kale oo Daafta-Abgaal iyo tan Murasade eh, si toos iyo si dadban-ba iyoo ga’an in siyooyaan Bilaaya-afuufe-Abdilaahi Yuusuf  oo Daafta-Majeerteen ku soo jeedo. Taasoo wasiiridiis Bilaaya-afuufeyaalka kale aar-goosigii shaleey oo Mahaakimta Islaamiga iniinki koobinaayne arrintiyoo. balse salka ki haayto; (SARIIRTA_MIDOW). Waay warar noo soo deereen dad in dhow Birimo Ministarka waay sheegeenaa; in Aw-Meles Zenawi, Geedi iyo Abdillahi Yusuf hellis ki ayaan in Goboloda Gal-gaduud, Puntland iyo Kuwa koonfureed qaarshooba sariir dabii’i eh ki jirto, oo hellis liili galli shirkido shiine iyo kuwo reer iri dhiin eh, (China and the West) in iyoo qodaan oona soo biyaan. Taasna atto tan shaleediyee suurto geliisi in dadka si turusho la'aan ki jirto liin gumaado. In dheerto darrajo al mudunaayne liis lahaaysiyo.

Sariir dab waay, waaynaa ognaa in dabshee addunyida dhamaantiis in hurooyo geega. Laakin waay intaas ku hiisa leyaa in Aw-Huseen Aydiid afsheey Ilaaheey ku sheeni dembiyo-bilaayo yaa la galli! Runtiis-wa, laakin li’ (6) berri ku hor ma bilaawine arrinta dimbi-bilaayeedka. Waaynaa ku war haaynee in ayaamoogaan-ba Adduun wiinaaga la war haayo in dembiyo-bilaayeed la furo, oo war haayowga dembi liki soo eedeeyo bilaayo-wedeyaalkii luku soo bilaawo waqtiga Siyaad Barre hool ku dhigideen in Digil iyo Mirifle dalshoo ku fariiriyaan; ki tumushooda xaquuda Ibn-Aadamka ki kaha jireen illaa iyo geegidaan liki jiro hadda.

 Digil iyo Mirifle ahaan waay nonoo fadeeyee inii uni dad usku dhigno oo uur lohowsiga usku dhaafno, oo kuwaayno dimbiiliyaalka eh ee Jaadka illi aamaayaan dembiiliyaalka kale oo Daafooga-Hawiyo iyo Daarood ki Markaati furno. Baydhaba shaleediyee waay bilaayo liki soo qaadeey oo liin adeegsidaaw Madaafii'i, hoowiye iwm. Oona Daarood iyo Hawiye luku saaro kaalintiyoo, Bilaayo-afuufiyaalkeen shaleediyoo yaa waay eh, laa caddad walaa xisaab. Marna Aaw Haabside iyo Aaw-Kiish-Bur fara-maroogsidaayaan, Marna Aaw Shaati gaduud agoontii Baydhaba gorrob duubaaw, Marna Aaw Maalin Midoobe iyo Erdaalii kutaabka genti geddi geddi in dhowaayaan Habroogii Hartiyaalshoo Hoowiyaalka liki dhamaayi.

Ebeheey dimbishoo ma dhaafoo, waay sababeenaa dhimmisho adadiyee in dhowaayne, halaag ay sheega korne, dhiig la qubi oo weel qaadaaw in jirne, iyo aafo namuun walba leh. Dhibbis kasta oo dhiig eh, dhilaankaayno luku qubi, ama iyoo ku qubeen waayelka reer arlaada, agoonta dhar la'aanta eh oo Aaw la'aanta la dhigi, waa in lugunta liin suraa intii tii bariyeey luku deeraaw. dhallasho ma wadaagtaan nimmin dhiiggii dhalla islameed ma'na darra in deediyi oo Maalin iyo Hamiin jaad kor fidhiyaan. Tii Rabbi ku sokeey, Tii Heeg ama Aruusha, (Hague or Aruusha) yaa dhowaan liin hogaamiyee. Geegidii hoo kooyto in la soo hor roojiyaa damiir laawayaalka dadshoo kursi ki gadadeen, gorrobshoo ay surruneey oo gar-gaar al siine.

 Waay soo qoreey: Ibreehin Enow,

Montreal Quebec. Canada.
April. 25th 2007.
 
walii war nag eh adi taabiyaaso inii qobto; fadlan in ki dir: safe_humanity@yahoo.com

« « Back to Home Page


 

Assurances:

Maayland will assure to all its surfers a well updated Information from a reliable sources according to the International Press Ethics. Every writers article will be welcomed by Maayland Webmaster without discrimination, but when an article is clearly damaging a personal reputations Maayland.com will prevent problem to be created. And in some cases It will not assume any      responsibility about the personal opinion, or emails from our range readers. All inquiries will be sent to the Person that have posted the target Article.

 
 

contact Information

safe_humanity@yahoo.com

 
 

 

   
   
 

 

safe_humanity@yahoo.com