|
|
BAYAAN AY
SOO SAAREEN ODEYAASHA REER BARAAWE EE KU SUGAN BOQORTOOYADA
INGIRIISKA – UK.

London 19/12/2006. |
Odeyaasha,
Culuma-Uddiinka, Aqoonyahanada,Siyaasiinta iyo Dhallinyarada Beesha Reer
Baraawe ee ku nool dalka Boqortooyada Ingriiska, london, ayaa aad iyo
aad uga xumaadey arrinta Yaabka badan leh oo ka dlhacday Degmada Boraawe
oo ka mid ah Degmooyinka ugu taarikhda dheer ee dalka Soomaliya. Waxaana
degmada ku dhasheen shuyiuukh waa weyn oo diinta gaarsiiyey meelo badan
dalka gudahiis iyo dalalka kale ee ka tirsan Afrika SIDA SHEIKH AWEIS
AXMED AL-BARAAWI (AL QAADIRIYA) iyo kuwo kale oo ka soo shaqeeyey
Adkaartii uu bug-diggeeda uu lahaa Sheekha oo ka soo jeeda reer Baraawe
iyo Somalida inteeda kale.
Waxay ahaayeen Culumo fidinta diinta
Islaamka naftoodi ugu huray iyagoo qaarkoodna lagu gubey nolol sida loo
diley Sheikh Aweis Al- Baraawi , laguna diley Degmada BIYOOLEY ee
gobolka BAKOOL si loo hakiyo fidinta Diinta Islaamka iyagoo falalkaas
kuwii geystey ay haddana u soo xuub siibteen iney qabuuraha Culimadii
geeriyootey iney ka tir tiraan taariikhda Islaamka kuwaaso Eebe ugu
nicmeeyay in uu siiyo karaamo una fududeeyo baridda iyo fidinta diinta,
waxayna aqoontooda gaartay meel sare, Waxay jawaabi jireen mas-alooyin
adag oo ay weedi jireen Culumo ka Imaan jirtay Dalka Masar iyadoo
waqtigaas ay isgaarsiintu yareed. Ilaa iyo haddana laga heli karo
Maktabadaha Jaamacatul Azhar Al Shariif sida jawaabaha ku saabsan
Shareecada iyo Fiqiga oo ay ka jawaabeen SHEIKH MACALLIM NUURII iyo
SHEIKH NUUREINI AXMED SAABIRI.
Waxaan maxaakiimta u sheegeynaa in beelaha Soomaaliyeed badigooda ay
yihiin dad muslimiin ahlu-Sunna ah, mad-hab kooduna waa Shafici ahlu
dhariiqna ah (Suufiya), dadka reer Baraawena waa la mid.
Sida la wada ogyahay Soomaalidu waa dad muslimiin u badan, lagana
aqoonsan yahay meelo badan ee Adduunka, waxaana sharaftaas gaarisiyay
Culumada Somaliyed oo dhan sida kuwa maanta la burburinaayo qabuurtoodi
dadweynahana loo diidaayo in ay siyaartaan, waa arrin cusub oo aan hore
loo arag. Marka soo yaab ma aha arrintan Soomaaliyee ! Ma tahay ariin
fidno hor leh Somaliya u horseedi karta , mase loo dulqaadan karaa?.
Taariikhdu markay ahayd 14-12-2006, subaxnimadii, ayaanu war ka helnay
degmada Baraawe in ay ka dhacday arrin aad u fool xun oo khalad ah kaas
oo ay ku kaceen Maxaakiimta iyagoo duulaan ku qaaday masaajidka lagu
qabanaayey Siyaaro weyn oo sanad walba lagu xuso Sheekh Nuureyni oo ahaa
Shiikh Ilaahey karaameeyay oo dadaal iyo taqwo badnaa, culumadii iyo
ahlu-beydkii halkaas ku akhrinaayey Qur’aan una fadhiday Adkaarta
Ilaahey ayaa siddeed nin oo ka tirsan qolada maxaakiimta.ugu soo galeen
gudaha oo ay garaaceen xoogna ooga saareen, qabriga jibiyeen, mutoorka
nalka iyo kan fiidiyoogana ka qaateen qurbaankana (cuntada) ay badda ku
daadiyeen. Arrintaan foosha xun waa mid aan la aqbali karin oo mudan in
lala dagallamo.
Sidaas darteed waxaan guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna
Ahlu-dariiqda oo dhan weydiinaynaa. “Arrintan xad gudubka ah ma xaq
baa?” Mase mudan tahay in laga aamuso ?
Haddaba waxaan Maxaakiimta ogeysiineynaa in dadka sameeyay falalkaas iyo
kuwa sheeganaayo mas-uuliyadda degmada oo ay iskooda isku soo
magacaabeen in la soo saaro maxkamad mas-uuliyadda degmadana lagu
wereejiyo dadka iska leh deegaanka oo xoogga lagu haystey 16 Sano si loo
baajiyo dhibaato dhacda aqoonna u leh dadkooda iyo deegaankooda , kuna
haboon, maadaama qolada qabsatey Baraawe ay durba bilaaween in fitno
diineyd ka abuuraan degmada taas oo ku fidi karto dalka oo dhan.
Waxaa wanaagsan in haddii mas-alo diineed ay timaado waa in si habsimi
ah looga doodo wixii mugdi ku jirana la ifiyaa, iyadoo laga ilaalinayo
wixii siyaasad ah. Shuyuukhdana in la xurmeeyo lana qiimeeyo maadaama ay
na gaarsiyeen in aan noqono dad muslimiin oo sunni ah.
Waa in leyska jiraa lagana fogaadaa iska hor imaad diimeed oo khatar tii
hore ka weyn la imaan karto.
Soomaalidu maanta,waxay u baahantahay xasilooni, dib u dhis iyo nabad
waarto si ay uga baxdo dhibaatooyinka 16ka sano laga dhaxley dagaalka
sokeeye.
Haddii aan ka hadalno wax qabadka maxaakiimta ee magaalada muqdisho waa
arrin ay dadka ku farxeen guulna ah madaama ay ka sareen qabqableyaasha
dagaalka oo nabadda hor taagnaa dad weynahana dhib, dhac iyo xasuuq ku
haayey.
Magaalada muqdisho oo 16ka qalalaas iyo qas ka jiray ayey maxaakiimta
xasilooni ku soo celiyeen, laakin waxaa laga rabo in wixii kale oo
dhiman ay si degnaan, wacyi galin, waano iyo tusaalo fiican ay dadka ula
yimaadaan, iyadoo dhici karto dadka xun oo dambiyada badan ay xusuustaan
ama ay la yimaadaan alla ka cabsi. Diinta ma ogolo qasab ama xoog balse
waxay u baahantahay hannuunin iyo tartiib.sida Ilaahey uu Qur’aankiisa
ugu sheegey Nabigiisa NNKH kuna yiri ( FADAKKIR INNA MAA ANTA MUDAKKIRUN,
LASTA CALEYHIM BI MUSEYTIR ILLAA MAN TAWALLAA FA KARAFAR ------------- )
Waxaa tusaale ah in Fircoon uu ahaa nin kaafir-mushrik weyn ah markii
Alla Subxaan watacaalaa u diraayay Nabi Muusa iyo Walaalkiis Haaruun,
wuxuu ku yiri Fircoon ula tega hadal jilacsan bal inuu xusuusto ama
cabsado. Fiiri aayadaha:
|
اذْهَبْ أَنْتَ
وَأَخُوكَ بِآيَاتِي وَلَا تَنِيَا فِي ذِكْرِي(42)اذْهَبَا
إِلَى فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَى(43)فَقُولَا
لَهُ قَوْلًا لَيِّنًا لَعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَى(44 |
Haddaba madaama intaas
nala farey waxaa maxaakiimta laga doonayaa
In dadka ay ugu yeeraan jidka Eebe si xigmad iyo waano fiican leh kulana
doodaan sida ugu fiican, Eebaha waa ogyahy cidda ka dhunta jidkiis kuwo
hannuunsanna waa ogyahay. fiiri aayaddan.
|
ادْعُ
إِلَى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ
وَجَادِلْهُمْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ
أَعْلَمُ بِمَنْ ضَلَّ عَنْ سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ
بِالْمُهْتَدِينَ(125)
|
Sidaas darteed
Maxaakiimta ma ahan Rasuul iyo Nabi toona, Ummadda Somaliyedna ma ahan
Fircoon iyo Gaalo hadda Seef lagu Islaaminaayo marka waxaa talo inaga ah
inaan la kicinin Fitmo Hurdeyso maxaa yeeley Ilaahey taasii waa reebey,
waxaana mas’uuliyaddeeda qaadan doono ciddii sameyso.
Waxaan Ilaah ka baryeenaa inuu xaqa Somalida tuso, kana fogeeyo dulmiga
iyo awood sheegashada.
Wa Billaahi Towfiiq.
ODEYAASHA REER BARAAWE EE WADDANKA
INGIRISKA – UK.
|
|
|
|