The Voice Of The Voiceless

fa1.gif


 

 

 

shortblack.gif

 

 
لقد توفت ألصومال “إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ”    
 

Amxaaro in dhaaxaa waad u kala dhuumateen

TACSI

GEERI KU TIMID DALKI SOMALIYA

 

 

Qalliin fashilmay ayaa sababay in Somaliya dhimmatto, waxaana isugu soo baxay aasideeda dadweyne Somali aad u fara badan, Prof. Geedi, Koroneel Cabdullahi Yusuf, Beeraleey Shariif, Iyo kooxdi kale ee Muqdisho oo iyigana ka yimid X. Aweys, X. Shariif, iyo Ciidamo Majeerteen ah oo Puntland ka yimid iyo kuwo Itoobiyaan ah oo dagaal ooge Cabdullaahi Yusuf ku sheegay in ay yihiin; ' Somali goor hore dalkoodi ugu dambaysay oo afki ka lumay '.

Madaxweyne Abdullahi Yusuf ayaa shaaca kaga qaaday goobti Qubuuraha ee Somaliya la rabay in lagu aaso, in geerida ku timid dalka uusan isaga sinna masúul uga ahayn, balse horey dalka u dhintay goorti Dr: Cabdi Qaasim gacanta ku hayey dalka, oo Dhakhaatiirtii Qalliinka ku dheerayd Dhakhtar Suudi iyo Dhakhtar Qanyare iwm. laga eryey dalkoodi ka daaweyn waayeen dartiisa.

Waxa uu intaasi raaciyey in ay isaga iyo Dhakhtar Zenawi, iyo Prof. Cali Geedi isku dayeyeen in ay qalliin kaga badbaadiyaan cudurka hayey Somaliya, balse kuwo Dhakhaatiir isku sheegayo ee la yiri in Afganistaan, Suudaan iyo Iiraan wax ku soo barteen ka masúul yihiin geerida Somaliya ku timid.

 

Waxaa dhinaca Maxaakiimta ka soo qeyliyey cod oranaya, adigaba Addis Ababa ayaa wax lagugu soo baray. Markaan arrinta si toos ah u weydiinay dhinaca kale Golaha Ururka Islaamiga, waxa ay sheegeen in Dhakhtar Zenaawi ka masúul yahay geerida Somaliya, ee Dagaal ooge Cabdullahi Yusuf u keenay Dhakhtar ahaan, oo qalliinna aan waxba ka aqoon oo faas iyo tooray mirrir ah oo taankiyo u eg u adeegsaday dooxideeda, oo taasina ay sababtay in ajal deg deg ah Somaliya ku timaado.

Dhakhtar geedi waxa uu halkaas ka yiri in Somaliya aysan neefsan karin markii qolka qalliinka la soo geliyey, oo aanan fadhigayga ka kicin, balse aan gartay in ay dhimmatay goortii General Caydiid gacanta ku hayey. Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliya goobta ma uusan joogin haddii uu arrintaasi ka jawaabi lahaa.

Waxaase halkaas kaga jawaabay qof isaga ka wakiil ah oo yiri; ' goorti Siyaad Barre ' ayay Somaliya dhimatay. Waxaa arrintaasi markiiba meesha ka beeniyey Wasiirka Gaashaandhiga ee Bakhaarka A.D.C-da ee Baydhaba, Koloneel Barre Shire Hiiraale oo isagana sheegay; in Somaliya dhimmatay casrigii Dawladdii Musuq Maasuqa.

Dagaal ooge Cabdullahi Yusuf ayaa arrintaasi isla marki gacanta ku sayriyey, oo yiri aniga goortaan xabbadda ugu horeysay tuuray, ogaada in aan la gefay, balse arrintu ku caddaatay Dhakhtar Cabdi Qaasim iyo nin kale oo la ii sheegay oo Marka xoog ku haysta, lana yiraahdo Yuusuf Indha Cadde ka masúul yihiin. Haddii aysan waxba isku ogeyn maxay aasidda uga baaqdeen? Warku intaa ha noogu dhamaado, oo amarka uulul amriga qaata.

Ugu dambeyntii, waa igu walle in Somaliya aysan wada dhimman! Oo inti  Gobolka gadooday caafimaad qabo aaney nasasho ii oolin, waxa keliya ii harsan waa Somaliland oo barwaaqo isu horseeday aniga oo nafta igu jidha. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Bakhaarka A.D.C-da Baydhaba waxba kama uusan oran arrintaasi balse halkaas keligii ka sacba tumay. Ugu dambeyntii waxa uu halkaasi ku codsaday in la xasuusiyo wixi lagu oran jiray af carabiga. Ka dibna X.D. Aweys yiri; " Ïnaa lillaahi wa inaa Ileyhi raajicuun."

Waxaa hadalki meesha ku soo gabagabeeyey Dhakhtar Zanaawi oo af aan la garaneyn halkaasi kaga sheegay hadal gaaban oo dadweynaha Somaliyeedna ku oorinayeen. Waxaase meeshi ka turjumay Dhakhtar Cali Geedi oo yiri; khallad ha fahmina waa duco afkeena labaad ee hooyo, oo dalki dhinta loo aqriyo, waxa kale uu intaas ku daray in Dhakhtar Zanawi yiri; in Itoobiya xataa sakaraat ku sugan tahay oo aanay waxba ka dambeyn doonin Somaliya oo eedeedana loo aaneynayo Mengiste Haila Mariam oo maxkamadda sharciga caddeysay iyo idaacadaha xorta ah ee Itoobiya.

 

   
لقد توفت ألصومال “إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ”    

For Southern Somali People; 'THE ENEMIES ARE MANY, SOME WEARING THE SKIN OF A SHEEP and SOME GOAT'S, BUT THERE IS A WOLF OR  HYENA INSIDE, AND THEIR TARGET IS ONE !

 
THE TRUTH ABOUT SOMALIA WAS NEVER BEEN BARELY
LAID CLEAR BEFORE

 

BECAUSE MAAY POPULATION
 ARE FINALLY
SPEAKING OUT
  THE FAKE ISLAMISTS AND THOSE WHO CLAIM HELPING ISLAM VERSUS THE FAKE GOVERNMENT AND THOSE WHO CLAIM HELPING THE WEAK GOVERNMENT contending in southern Somalia
     
 

 

 
 

walii war nag eh adi taabiyaaso inii qobto; fadlan in ki dir: safe_humanity@yahoo.com

« « Back to Home Page


 

Assurances:

Maayland will assure to all its surfers a well updated Information from a reliable sources according to the International Press Ethics. Every writers article will be welcomed by Maayland Webmaster without discrimination, but when an article is clearly damaging a personal reputations Maayland.com will prevent problem to be created. And in some cases It will not assume any      responsibility about the personal opinion, or emails from our range readers. All inquiries will be sent to the Person that have posted the target Article.

 
 

contact Information

safe_humanity@yahoo.com

 
 

 

   
   
 

 

safe_humanity@yahoo.com